Dhageyso Wareysi Jenaraal Waafow “Anigu Gudoomiye Degmo Ayaan Ahay, Maxaa Ii Diidaya In Qabiilkay Aan Samata Bixiyo”

0

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Maamulka Koonfur galbeed oo markii ugu horeysay Wareysi siiyey warbaahinta  tan iyo markii ay dib usoo laba kacleeyeen xiisadaha ka taagan Goblka Shabeelada hoose ayaa ka hadlay halka ay salka ku haayaan Musiibooyinka ay gacmaha ku wataan arxan laabaayasha soo duulay.

Mudane Waafow ayaa ugu horeyn sheegay in colaada ka taagan Gobolka Shabeelada hooose ay soo jiitameysay afartii sano ee lasoo dhaafay ka dib markii weerar lagu soo qaaday, dadka deegaankana ay ahaayeen kuwo is difaacaya.

Wuxuu si cad u sheegay in gacamaha ay ka laaban dooonin duulaanka lagu soo qaaday oo wajiyada badan leh isagoo dhanka kale sheegay in intii ay jireen duulaanada ay dhacdooyinka foosha xun ee dhacaya ay ahaayeen kuwo soo taxnaa.