DHAGEYSO: ku simaha madaxweynaha oo sheegay in doorashada xilligeeda ay dhaceyso

0

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ah ku simaha madaxweynaha dalka iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka dhaceyso doorasho marka la gaaro bisha September 2016.

Gudoomiye Jawaari ayaa qiray in xildhibaanada hada shaqeeya waqtigooda uu ku egyahay bisha September ee sanadkan taasi bedelkeeda ayuu sheegay in loo baahan yahay in la helo xildhibaano cusub.

Waxa uu sheegay gudoomiayaha baarlamaanka in madaxweynaha Soomaaliya waqitigiisa uu ku egyahay bisha soo socota ee September.

Waqtiga uharay dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in ay tahay mid aad uyar, waxaana uu tilmaamay in waqti kordhin aan loo sameyn doonin dowladda hada jirta.

Horey ayay dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ka jira waxa ay ku heshiiyeen sida ay noqon doonto doorashada la filayo in sanadkan ay ka dhacdo dalka.