Dhagayso:Wasaarada Caafimaadka oo fariin loo diray,,

0

Qeybo kamid ah gobolka Jubbadda dhexe ayaa waxaa lagu arkay cudur aan la garaneyn kaas oo sababay dhimashada in ka abdan boqol ruux oo ku nool gobolka Jubbadda dhexe.

Madaxa kormeerka iyo qiimeynta ee hay’ada Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Xasan, oo shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay jirto cudurkaas dadka dhibaatada u geestay islamarkaana qaarkood ay u geeriyoodeen dad badan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in loo baahan yahay in laga hortago maadama uu sababi karo in ay u dhintaan dad kale kuna faafi karo goblada kale ee Somaaliya.

Ugu dambeyn
Madaxa kormeerka iyo qiimeynta ee hay’ada Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Xasan ayaa ugu baaqay Wasaarada Caafimadka Somaaliya ay ay sameyso gurmad deg deg ah si looga hortago cuduro kale in ay ka dahcaan gobolkaas.

Hoos Ka Dhagayso Codka