DHAGEYSO:- Al-shabaab oo Caruur ka Afduubtay Degmada Xarardheere

0

Wararka ka imaanaya Degmada Xarardheere ee Koofurta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Xarakada Al-shabab ay Degaano ka tirsan Degmadasi ay ka Afduubteen Caruur aad u Da’yar,kuwaas oo wax ka baran jiray Tuulooyin hoosyimaada Xarardheere.

Wararka ayaa sheegaya in Caruurta la Afduubtay ay wax ka baran jireen Tuulooyin Degmada ka tirsan,waxaana Shabaab ay u Afduubteen si ay  Tababar ugu Furaan oo ay kuga barbar dagaalamaan.

Goobjoogeyaal diiday in Codkooda iyo Magacooda intaba la Adeegsadayo oo ku sugan Xarardheere ayaa noo sheegay in Caruurta la Afduubay ay gaarayaan ilaa 10.

Wali lama oga halka ay geeyeen iyo Ujeedka dhabta ah ee Shabaab ay u Afduubteen Caruurtaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-