Danjiraha Shiinaha u Fadhiya QM oo ku Baaqay in Nabadeenta Soomaaliya Laga Qeyb Qaato

0

Wakiilka Shiinaha u qaabilsan Qaramada Midoobe ayaa 15-ka xubnood ee Qaramada Midoobe ay ka kooban tahay ka codsaday in ay ka qeyb qaatan hanaanka lagu raadinayo nabada dalka soomaaliya.

Sidoo kale Danjiraha Qaramada Midoobe u fadhiya dalka shiinaha Wu Haitao, ayaa kulamo la qaatay madaxweyna dalka soomaaliya Mudane xasan sheikh maxamuud. oo ku sugan Magaalada Newyorka ee dalka Mareykanka.

Mudane Wu Haitao, ayaa ka codsaday  Qaramada Midoobe in la taageero dadaalada nabadeed ee soomaaliya oo laga qeyb qaato hormarinta soomaaliya.

Waxaa kaloo danjiraha shiinaha u qaabilsan Qaramada Midoobe uu amaanay madaxweynaha soomaaliya xasan sheikh maxamuud  oo uu ku tilmaamay shaqsi soomaliya gaarsiiyay meel wanaagsan.

“Xaalada nabada soomaaliya waxaaay gashay waji cusub oo xasaasi ah sanadkaan waxaa dhacaya doorasho dalka ka qabsoomi doonto ayuu yiri danjire Wu Haitao”.

Wu haitao ayaa dowlada shiinaha uu sheegay in ay qeyb kula haan doonto hormarka dalka soomaaliya.