Daawo: Dalada Jaaliyada KGS Sweden oo Deeq soo Gaarsiiyay Agoon Iyo Dhaawacyo Baydhabo,,

0
Daladaha ku midoobey Jaaliyadaha Koonfur Galbeed ee ku nool Wadanka SWEDEN ayaa Maanta waxay Taakule Dhaqale iyo Maro kaneeco u qaybiyey 3 Goobood oo kala ah Bukaanka kujira Isbitaalka Degmada Baydhao , Agoonta kujirta Xarunta Agoonta Baydhabo iyo Dadka Miyir la’, Gargaarka Dhaqaale ayaa loo soo wakiishey Gudoomiye Ku xigeenka Golaha Badbaadada Koonfur galbeed Dr. Idriss Cabdi Dhaqtar , Waxaa mahadnaq kajeediyey Agaasime Ku xigeenka Isbitaalka Magaalada Baydhabo Axmed Ciro iyo Abwaanka weyn ee Abwaan tarash ayaa sidoo kale u mahadceliyey Daladaha jaaliyadaha ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee kunool Wadanka Sweden , Abwaan Tarasha  Markuu  arkey Caruurtii Agoonta aheyd ee aad u tira badnaa ayaa ilmeeyey isagoo hadli waayey , waayo Magaalada Baydhabo ayaa waxaa kusugan agoon aad u fara badan oo aabo iyo Hooyo laheyn .
Magaalada Baydhabo ayaa waxaan jira shaqo la’aan Baahsan  sabatoo ah , Maanta ayaa waxaan cashar ahaan u bartey , waxaa ii yimid Dad aad u tira badan oo ka muuqato  Baahi iyo dhaqaale la’aan , kuwaasoo ah dadka reer magaalka ah ee aan tagi karin Xarumaha Barakacyaasha iyo Goobaha Kale ee wax lagu qaybiyo , iyagoo ka xishoonaya goobahaas ayaa maanta waxay Maqleen Howsha aan wadno , markaas ayaa waxay yimaadeen Xafiiska Golaha Badbaadada KG , halkaas oo ay naga codsadeen inaan siino wax dhaqaalo ah ama loo codsado taasoo aan ka dhageysto oo aan warbixinteyda aan ku darsadey.

BAYDHABO JANAYAA

WADANI NEWS ONLINE

20160420_113312 20160420_113327 20160420_113336 20160420_113427 20160420_113435 20160420_113452 20160420_113657 20160420_113720 20160420_113924 20160420_114302 20160420_120618 20160420_120625 20160420_120632 20160420_120638 20160420_120641 20160420_123239 20160420_123449 20160420_123451 20160420_123456 20160420_123514 20160420_123559 20160420_124805 20160420_124822 20160420_124823 20160420_124911 20160420_125420 20160420_125421 20160420_125424 20160420_125426 20160420_125428 20160420_125432

.