Xukumadda Soomaaliya oo ka hadashay Mooshinka Shirka Jowhar{DHAGEYSO}

0

Iyadoo Mooshin ka dhan ah Shirka Maamulka loogu sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe uu yaallo Baarlamaanka Soomaaliya,Baarlamaankuna ay ku kala Aragti duwan yihiin Mooshinkaasi ayaa waxaa ka hadlay Xukumadda Soomaaliya .

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Mooshinka ay ka warqabaan,balse ay habooneyd in Xildhibaanada intii aysan Mooshinka keenin ay u yeeraan Wasiirka Arrimaha Gudaha si wax looga weydiiyo Dhismaha Maamulka iyo qaabka loo maray.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya looga bartay in ay keenaan Mooshinka Nuucaan oo kale ah islamarkaana aysan hadda Cusbeyn.

Yaxye Cali Ibraahim ayaa intaa raaciyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ay ka warheyso qaabka ay uu u socdo Shirka maamul u smaeynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe,balse taa badalkeeda looga baahan tahay in ay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya u yeeraan ,maadaama uu wasiirku wax badan qabtay Xog ogaalna uu yahay.