FAAH FAAHIN: Laga helay Qoyskii lagu Xasuuqay Dudumo ka dibna la gubay (Sawiro)

0

Wararka naga soo gaaray gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ilaa iyo 7-ruux oo isku qoys ah halmeel lagu dilay.

Dadkaan ayaa waxay isugu jiraan 6-Caruur iyo Ayeeyadood oo 65-sano jir ah, kuwaasi oo dhamaantood la toogtay ka dibna waxaa la dab la qabadsiiyay.

Dhacdadaan Xanuunka badan ayaa waxay saamayn wayn ku yeelatay gobalka Shabeelaha Hoose, kuwaasi oo haatan aad u walaacsan.

Ilo xog ogaal ah oo ku sugan degmada Marka ee gobolka Sh.hoose ayaa Wakaalada Muurinews.com u xaqiijiyey in falkaan argagaxa leh uu ka danbeeyay  mooryaan lagu magacaabo Nuur Jiidoow oo asigu shegta inuu yahay Gudoomiyaha Deegaanka Shalambood.

Maahan markii ugu horeysay oo xasuuqa ka geystaan mooryaanta  ku soo duushay gaar ahaan  Gobolka Shabella hoose oo ka wada barakicinta shacabka beesha Biimaal ee ku dhaqan Gobolkaasi.

fd

Mooryaan-Nuur-Jiidaaw