DHAGEYSO: Xildhibaanada Soomaaliya oo ka hadlay dhalinyaradii ku qalibantey badda,,

0

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa siyaabooyin kala duwan uga hadlay dhalinyaradii ku dhimaatay bada udhaxeysa Masar iyo Talyaaniga, iyagoo doonayay in ay tahriib ku galaan Yurub.

Xildhibaanadan oo aan kula hadalnay Xarunta golaha shacabka ee Muqdisho ayaa sheegay in loo baahan yahay in shaqo loo abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaamanaya badaha.

Waxaana ay baaq udireen dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka, waxaana ay ugu baaqeen in shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale sheegay in wax laga xumaado ay tahay in mar walbo dhalinyaro soomaaliyeed ay ku dhintaan badaha iyagoo doonaya iney tahriib ku galaan Yurub.