DHAGEYSO: Madaxweynaha”waxaan diirada saari doonaa doorashada sanadkan dhaceysa”+Sawiro

0

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay warbixin ka siiyay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan dhanka Sayaasada, amniga iyo arrimaha kale ee dhinaca horumarka ee Soomaaliya ka socda.

Warbixinta uu siiyay Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu si gaar ah kaga hadlay doorashooyinka dalka ka dhacaya sannadkan 2016-ka iyo dagaalka ay Dowlada kula jirta Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay ku talaabsatay hormar dhinac doorashooyinka ah isla markaana ay u diyaar garowday.

“Soomaaliya hada waxay leedahay Jiil cusub oo waaya arag iyo aqoonba leh”.

Maalinta berri ah, waxaa uu Madaxweynaha Soomaaliya khudbad ku saabsan xaaladda Soomaaliya uu ka jeedin doonaa Machadka Caalamiga ah ee magaalada Washington.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale 22-ka bishan ka mid noqonayaa madaxda caalamka ee xarunta Qaramada Midoobay ee New York, ku saxiixi doona heshiiska cusub ee isbeddelka cimilada adduunka, kaas oo hoos imaanaya barnaamijka Qaramada Midoobay.

Hindisaha heshiiskan cusub ayaa la isku raacay bishii December 12- sannadkii 2015, balse waxaa uu rasmi ahaan dhaqangalayaa marka ay hoggaamiyeyaasha waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay qalinka ku duugaan maalinta Jimcaha ah oo ay taariikhda ku began tahay 22 Bisha April.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa inta uu ku sugan yahay Dalka Mareykanka inuu la kulmo qaar ka mid ah madaxda caalamka iyo diblomaasiyiin kale.

11-

33-

22-