Dhageyso:- Gaari Laga Soo Buuxiyay Waxyaabaha Qarxa oo Lagu Qabtay Degmada Dayniile+Sawirro

0

Kadib Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dowlada soomaliya waxa ay kusoo qabteen gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo hub saarnaa gaariga.

Gudoomiyaha degmada Deyniile ee Axmed Nuur Cabdi Siyaad  oo la hadlay idaacada simba ayaa sheegay in ciidamada NISA ay gacanta ku dhigeen gaari ay saarnaayeen walxaha qarxa, iyo sidoo kale hub, wuxuuna Gudoomiyaha sheegay in gaariga lagu qabtay waaxda koowaad ee Ciise Cabdi ee degmada Dayniile.

Mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka Gobolka banaadir uu horkacayay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa gaaray degmada Deyniile oo ah halka lagu qabtay gaariga waxyaabaha qarxa ay saarnaayeen.

Dhanka kale Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane, oo warbaahinta sidoo kale kula hadlay degmada Deyniile ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgalada noocaan oo kala ah.

14609569122d362 1460956918094a7 14609569166738d 146095691530862