Dhambaal U Gaar Ah Culimada Soomaaliyeed !!

0

Hor iyo horaan Culimada amase wadaada mala waanin karaa oo wax maloo sheegi karaa?
Jawaabtu waa HAA .. waayo Saddexda Ruux ee Naarta lagu shido ee u horgala waxaa ka mid ah Caalim amase skeekh.
Hadaba Wadaad ,macalin ,mowlaanaa,,caalim , diktoor iyo Fadiilatu -shiikh midkaad doonto ha laguugu yeero … cilmiga iyo fahamka diintana heerkaad doonto ka gaar.. mad-harkaaga iyo muuqaalkana malaa,ig u ekoow..ee marna ma isweydiisay :

1-Cilmiga ma inaaad umadda ku anfacdo yaad u baratay mise inaad ku fidneyso?
2-Tawaaduca iyo ikhlaaska culimada lagu yaqaan ma leedahay mise waad is cajabisay oo umadda waad iskala sareysaa?
3-Mad-habkaaga iyo mowqifkaagu ma mid sugan oon isbadelin baa mise maalinba meeshay dantaadu ku jirto yaad ka fud-kicisaa xertaadana u fatwootaa?
4-Dadkaad diinta bareyso Allahood iyo kitaabka maku xirtaa mise adigaa u weli ah oo monopoly ku heysta?
5-Culimada iyo wadaada kale noocey doonaan ha noqdeene xiriir iyo wada shaqeyn inaad Diinta u adeegtaan ahi ma leedihiin mise xafiiltan iyo xarig ku joogsi baa idinka dhaxeeya?
6-Fikirkaaga iyo Mad-habkaaga qofkaan kugu raacin ma waxaad u aragtaa inuu maqaamkaaga meel uga dhacay oo Murtad iyo Munaafiq baad ku xukuntaa?
7- Umadda qofkii gef ka dhaco mow cudurdaartaa oo DANI (male) fiican maw raadisaa mise jiq baad kaga dhigtaa ?
8-Qolo jecleysi iyo Qabiilka maka madax banaan tahay mise Fiqi Bahdiis kama jano tago weeye xaalkaagu?

Su,aalahaas iyo kuwo kabadanba waa in Culimada Soomaaliyeed is-weydiiyaan waayo runtii waxaa la oran karaa dhibka iyo burburka Soomaaliya qeyb libaax bey ku leeyihiin si toos ah iyo si dadbanba !
Oo hadeysan saas aheyn kuwo Qab-qablaha iyo Qabiilka daba taagan soow Culimo sheegan mayaan? kuwa caruurta yaryar Qoryaha u dhiiba ee Bamka iyo balaayada ku halaaga soow culimo sheegan mayaan?kuwa macashu weynaatay ee umadda ka macaashay ee agtooda abaarta iyo gaajada loogu dhamanayo een jixinjixeyn soow culimo sheegan mayaan?kuwa… kuwa..
Ujeedka qoraalkani maaha inaan meel uga dhaco maqaamka culimada iyo ixtiraamkooda waayo waa shey diintu na fareyso inaan culimada ijlaal iyo imtiraamba siino waayo iyagaa xambaarsan diintii iyo dhaxalkii nabigu (SCS) nooga tagey .
Ahmed A.Takar