DHAGEYSO: Koonfur Galbeed oo baaq udirtay dhalinyarada ka tirsan Shabaab,,

0

Taliska ciidanka Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay dhalinyarada ka tirsan ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira ciidanka maamulkaasi iyo kuwa AMISOM in ay hubka dhigaan islamarkaana ay isku soo dhiibaan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.

Taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Caracase oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay fariintaasi udirayaan dhalinyarada ka tirsan Al-shabaab islamarkaana ay joojiyaan dagaalka.

Dhalinyarada ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa waxaa dhowr jeer loo jeediyay baaqyo ku aadan in ay hubka dhigaan.

Waxaana dhalinyaradaasi ay wali ku adkeysanayaan fikirkooda ku aadan dagaalka ay ka wadaan dalka Soomaaliya.