Daawo Sawiro Warsaxaafadeedkii ay maanta soo saareen Xildhibaanada Qaranka Soomaaliyeed ee ka soo Jeeda Koonfur-galbeed iyo Xubno ka socda golaha Badbaada KGS,

0

JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

TAARIIKH 16/04/2016

Kulan ay yeesheen Xildhibaanada Qaranka Soomaaliyeed ee ka soo Jeeda Koonfur-galbeed iyo Xubno ka socda golaha Badbaada Koonfur-Galbeed ee dhowwanahan ku tegey kormeer deegaanada Puntland si ay u soo eegaan xaalada dadka ka soo jeeda deegaanada Koonfur-galbeed ee ku nool Puntland oo ka cabanayey tacadiyo loo geystey oo naf iyo maalba leh.

Kulannka oo Xubnaha Golaha Badbaadada Koonfur Galbeed ay ka warbixinayeen ayaa ugu Horeyn waxaa warbixin siiyey Xubnaha Baarlamaanka Qaranka Mudane Idri Cabdi Taktar Gudoomiye Kuxigeenka Golaha iyo Cali maxamed Yusuf (Calishukur) Xoghaya Golaha.

Warbixin dheer kadib ayaa waxaa Xildhibaanada qaranka ay ka soo saareen shir Jaraaíd ku aadan tacadiyada loo geysanayo dadka ka soo jeeda koonfur-galbeed eek u nool Puntland:

  • Mamulka Puntland waa in ay soo maxkamadeeyaan dadkii geystey falalka dilka ah ee baniaadanimada ka baxsan loogu geystey muwaadiniin Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Koonfur-galbeed.
  • Dilalka foosha xun ee lagula kacay muwaadiniinta soomaaliyeed ee ka dhacay magaalooyinka Galdogob, Garowe, Galkacyo waa in Maamulka Puntlan cadaaladda hor keenaan sida sida ugu dhaqsiyaha badan.
  • Waa in laga daayaa tacadiyada iyo hanjabaadaha iyo dhaca loo geysanayo dadka reer koonfurgalbeed ee ku dhaqan Puntland, meelaha ay tacadiyadaas ka socdaan waxaa ka mid ah: Laacdheere, Jariiban, galdogob, Bacaadweyn, Buur_Saalax iyo Gaalkacyo.
  • Waxaan shacabka soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ugu baaqeynaa iney arintaas ka dhiidhiyaan oo ay muujiyaan dareenkooda iney ka xun yihiin tacadiyada arxandarada ah eek a dhacaya Puntland
  • Hayádaha Xuquuqul Insaanka kuwa Dowliga ah iyo Kuwa aan Dowliga ahayn waxaa loogu Baaqayaa iney si deg-deg ah u dabagalaan tacadiyada lagu hayo shacabka ka soo jeeda Koonfur-galbeed eek u dhaqan Puntland.
  • Waxaan Cambaareyneynaa Ugaas Yaasiin Cabdisamad oo bixiyey amarka muwaadiniinta la gu jiidey gawaarida tarankoodana lagurey.
  • Ugu danbeyn waxaan Dowladda Dhexe ee federaalka iyo Beesha caalamkaba ka codsaneynaa iney fiiro gaar ah u yeeshaan Puntland oo noqotey meel dadka dhiigooda lagu daadiyo laga soo bilaabo 2014 ilaa manta.

Wabilaahi Towfiiq  Wadani News Online

RIIX HALKAAN SI AAD U AKHRIISO QODABADA

DSC00497 DSC00498 DSC00501 DSC00502 DSC00503 DSC00504 DSC00505 DSC00506 DSC00507 DSC00508 DSC00509 DSC00510 DSC00511 DSC00512 DSC00513 DSC00514 DSC00515 DSC00516 DSC00517 DSC00518 DSC00519