Daawo Sawirada shirka Amniga Bariga Afrika oo ka furmay

0

Shirka ayaa manta waxaa si weyn u furmay magaalada Bahar daar ee dalka Itoobiya waxaa si rasmi ah uga Furmay shirkii sannadlaha ahaa ee Madaxda Afrika ee Tana High Level Forum ee looga hadlayey xaaladaha dhaqaale iyo amni ee Qaaradda Afrika .

Dhinaca Somaliya shirkaan waxaa ka qaybgalaya Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas.

Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa in Shirkaan uu ka jeediyo Khudbad uu kaga hadlaayo xaalada nabadgelyo ee dalka Somaliya iyo Dagaalka Dowladiisa ay kula jirto Shabaab.

 

Madaxda qaarada afrika ayaa ka doodi doona amniga iyo xasiloonida qaarada inta uu socdo shirku.1 7 6 5 4