SIILAANYO: Dowladda Federaalka ah ee Somalia Waa inay Qadariso Madax-banaanida Somaliland,,

0

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa soo saaray maanta warbixin uu ku sheegay inaysan Somaliland ka mid ahayn Maaamullada Somalia, balse ay tahay dal ka madax-bannaan Soomaaliya.

Siilaanyo ayaa kaga jawaabayay hadalkan go’aankii kasoo baxay Madashii Wada-tashiga Soomaaliya, gaar ahaan qodobka ku saabsan in xildhibaanada Baarlamaanka ku metelaya Somaliland ay soo Xulayaan madax-dhaqameedka.

War-murtiyeedka Madaxweyne Siilaanyo ayaa u qornaa sidan: Anigoo ku hadlaya Afka Somaliland, waxaan halkan ku caddeynayaa Mowqifkeenna ku aaddan War-murtiyeed dhawaan kasoo baxay shirkii ay yeesheen qaybaha Somalia, kaasoo khuseeyey qaabka doorasho ee dalkaasi ee 2016.

War-murtiyeedka Soomaaliya ee u dambeeyey waa Tallaabo macno-darro iyo Daan-daansi lagu sheeganayo, laguna soo darayo Soomaaliland inay qayb ka tahay geedi socodka qaabka doorashada ee soomaaliya.

Jamhuuriyadda Somaliland qayb kama ahan Somali , weligeedna ka noqon-mayso, hadday federal tahay iyo hadday si kala tahayba.

Waxaa lagama maarmaan ah in maanka lagu hayo in Somaliland oo Madax-bannaan ay la gashay Soomaaliya heshiis midnimo oo sharcinimada heshiiskaa laftiisa su’aali ka taagan tahay.

Somaliland way diiday heshiiskaas midnimada Somaliland iyo Somalia aftidii dastuurka ee dadka laga qaaday horrantii 1961kii, iyagoo Somaliland si buuxda uga laab-laabatay 1991-kii, kuna caddeysay go’aankeedii ka noqoshada midnimadaasi, isla markaana baaqi ku ahaanayso la soo noqoshada madaxbanaanideeda, sida ku cad, aftidii muwaadiniinta Somaliland ee 2001.

Somaliland ka qaybgelimayso qaabka doorasho ee Soomaaliya. Dawladda Somalilandna iyadaa leh awoodda sharci, Muwaaddiniinteeduna u doorteen inay ku hadasho Afkooda iyo magacooda, kulana xaajoon karto cid kale, odayaal, madaxdhaqameed, iyo cid ay magacaabeentoona ma mateli karaan Jamhuuriyadda Somaliland, ciddii sidaa isku-dayda ama ku andacootaana, waxaa loo arkayaa inay ku kac-day khiyaamo, waana Sharci-darro, waxay tarayaana maba jirto.

Somaliland cidda Awoodda bixisaa ee xilka cid u doorataa, Alle Ka Sakow, waa Dadweyneheeda. Waxaan marar badan soo bandhignay nidaamkayaga diimuqraadiyadeed, annagoo qabanay doorashooyin si nabad ah ku dhacay, xor iyo xalaal ahaa, oo dhawr jeer qabsoomay. Wakhti xaadirkanna, waxan isu diyaarinaynaa doorashada madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo ta wakiillada ee 2017-ka, kuwasoo ka gooni ah, waxshaqo ahna aan ku lahayn qaabka doorasho ee Soomaaliya 2016.

Somaliland waxay door shariif ah ka qaadanaysaa dadaal kasta oo keenaya nabad iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda gobolka Geeska Afrika, waxanay mar labaad caddeynaysaa siday uga go’an tahay wadahadalkii Somaliland iyo Soomaaliya ee ay kor joogaha ka ahayd beesha caalamku ee bishii Juun, 2012, laguna raadinayey falanqaynta danaha labada dhinac, iyadoo lagu xadaynayey sida loo gaadhayo xidhiidh nabadgelyo ku dhisan oo labada dhinac yeeshaan mustaqbalka.

Wadahadalkaasi ayaa annaga naga go’an, hase ahaatee, isku-dayga dhinaca kaliya ee ay Soomaaliya waddo, ee ay Somaliland ku soo darayso qaabkeeda doorasho, wuxuu si cad uga horimanayaa wada hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya ee 19 January, 2014 ee ahaa inay labada dhinac faraha kala baxaan wax kastoo dhibaato ka dhex abuuri kara labada dhinac, sida hadal iyo habdhaqan aan loo baahnayn oo fogayn kara wada hadalada labada dhinac.

Sida awgeed, waxan ugu baaqaynaa dawladda federaalka ah inay qaddariso madaxbanaanida Somaliland iyo awoodda dadkeedu siiyeen dawladdooda, iyo dimuqraadiyadda ay ku doorteen. waxan ku boorrinaynaa Soomaaliya inay faraha kala baxdo qaranimada Somaliland.”