WAR DEG DEG:- Meydka wiil dhalinyaro ah oo ka soo jeeda KGS, oo lagu arkay Duleedka Gaalkacyo

1

Magaalada Gaalkacyo Duleedkeeda Saaka Waxaa laga Helay Meydka Wiil dhalinyaro ah kaasi oo Xalay La Dhigay Halkaasi.

Duleedka Gaalkacyo Halka Lagu Magacaabo Qabuuraha ceel jiifle Ayaa Saaka lagu Arkay Meydka Wiil Dhalinyaro ah kaasi oo la Dilay.

Ninka La Dilay Ayaa lagu Sheegay in uu kasoo Jeedo Gobolada Koonfureed ee Dalka Sida ay Saxaafada u sheegeen Qaar kamid ah Dadka Deegaanka.

Dadka Halkaasi ka Agdhawaa ayaa Sheegay in Xalay Meydka Qofkaan la Keenay Goobta isla markana Garaneyn Halka lagu Dilay.

Magaalada Gaalkacyo Waxaa Maalmahan ka Socda ugaarsiga Dadka kasoo Jeeda Gobolada Koonfureed Waxana Shalay Sidoo kale Banaanka Gaalkacyo lagu Arkay labo Qof oo La Dilay kuwaasi oo Mid Ahaa Koonfur Galbeed Halka Midka kale uu ahaa Oromo laga Yaqaanay Magaalada Gaalkacyo.

 

1 COMMENT

  1. alla ya raxma ilaahow u naxariiso eheladii iyo qaraabadodana samir iyo iimaan ala haka siiyo..kuwa qowleysatada ee diley shacabkan ayaguna ilaah ba ka abaal marin doona..

Comments are closed.