DHAGEYSO:- Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay Dhibaatada Dadka koonfurta ka soo jeeda ku heysata Deegaanada Puntland

0

Xildhibaan yacquub cali maxamed oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka soomaaliya oo maanta hadlay ayaa ka hadlay arinta ka taagan deegaanada uu ka arimiyo maamulka puntland.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in aanan loo dur qaadan karin tacadiyada loo gaysanayo dadka ka soo jeeda konfurta galbeed soomaaliya oo ku sugan magaalada galkacayo xili shalay magaaladaasi laga helay ruux mayd ah oo la sheegay in uu hotelka uunlawe ka shaqaynayay.

Aad ayay uga xunyihiin barlamaanka soomaaliya waxaana ka tacsiyeenayaa dhacdooyinka ka dhacaya puntland mana ahan in dadka soomaaliyeed ay is jinsi faquuqaan ayuu ku daray hadalkiisa xildhibanka.

Maamulka puntland ayuu ugu baaqay in ay arinkaasi wax ka qabtaan maadaama ay dhibaatadu ka taagan tahay goobaha ay maamulaan.

Ugu damabeyntii waxa uu ugu baaqay dadka shacabka ah in ay maamulkaasi la shaqeeyaan in ay ubad baadiyaan noloshooda.

HALKAAN KA DHAGEYSO