DHAGEYSO: Waxgarad dhaliilsan shirka ka socda magaalada Jowhar

0

Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe waxa ay ka furtay shirka wajiga labaad ee maamul usameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana ay sheegtay shirkan in lagu wareejinayo Odayaasha dhaqanka labada gobol.

Qaar ka mid ah waxgaradka loogu talagalay in ay ka qeyb galaan shirkaas ayaa wali dhaliilsan qaabka ay wax usocdaan.

Wabar Axmed Maxamuud oo ka mid ah waxgaradka

ku sugan magaalada Jowhar ayaa warbaahinta  la soo xiriiray waxaana uu sheegay in qaabka ay hada wax usocdaan aysan ku qanacsaneyn.

Waxaana dhanka kale uu tilmaamay in dowladda aysan wali cadeyn qaabka ay waxgaradka ugu wareejisay shirka iyo sida uu u soconayo.

Waxaa wali jira hogaamiyaasha beelaha qaar oo diidan ka qeyb galka shirkan oo shir uu uga socdo magaalada Beledweyne.