Dhagayso:Gudoomiyaha degmada Baraawe oo faah faahiyay u jeedada Wafdi ku sugan Baraawe(Sawirro)

0

Weli waxaa degmada Baraawe ee gobolka Shabelaha Hoose ku sugan Wafdi uu hoggaaminaayo gudoomiyaha gobolka Shabelaha Hoose iyo sidoo kale ku xigeenkiisa dhinaca Maaliyada taliyaha ciidanka Nabad-sugida sadaxda gobol ee maamulka Koonfur Galbeed iyo xubno kale.

Ujeedada wafdiga ee degmada Baraawe ayaa ah dhamestirka Garoonka diyaaradaha degmada Baraawe iyo waliba waaxyaha kaal duwan ee dhinaca maaliyada degmada sida uu warbaahinta magaalada afgooye  u sheegay gudoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Bare Maxamed (Jeex)

Gudoomiyuhuu wuxuu intaas ku daray in degmada Baraawe uu ka socdo horumar dhinac walbo ah islamarkaana loogu diyaar garoobayo sidii maamulka Koonfur Galbeed halkasi u soo degi lahaa maadama ay tahay Caasimadda maamulka Koonfru Galbeed.

Wafdiga ayaa waxay halkaasi ku sugnaan doonaan mudo toban cisho ah iyagoo dhamestiri doono wax walbo ay degmadasi u baahan tahay si maamulka Koonfur Galbeed ugu shaqeeyo.

Gudoomiyaha degmada Baraawe Xuseen (Jeex)ayaa sheegay in degmada Baraawe amaan kiisa uu aad u wanagsan yahay uuna yahay mid leesku haleyn karo balse dadka qaarkood wax kale ka aaminsan yihiin sida uu hadalka u dhigay.

Hoos Ka Dhagayso Codka

IMG-20160414-WA0002 IMG-20160414-WA0007 IMG-20160414-WA0005