Puntland oo sheegtay in dadka soo galaya Degaanadeeda laga doonayo Aqoonsi iyo Damiin{DHAGEYSO}

0

Garoowe–WNN– Wasiirka Wasaaradda  Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo Warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay ayaa sheegay in Puntland dadka ku nool Degaanadeeda ama soo galaya ay Il gooni ah iskaga eegeyso  soona dhaweyneyso.

Wasiir Qarjab ayaa xusay in Dadka soo galaya Puntland iyo kuwa ku nool intaba laga doonayo Dukumiitiyo Cadeyn ah oo ay ku joogi karaan Puntland.

“Puntland waxaa ay si wanaagsan u la dhaqmeysaa Dadka soo galaya Degaanadeeda haddii ay yihiin Qaxooti Ajaanib ah iyo Muwaadinnta Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Gobolada kale ee Dalka,balse Aqoonsiga laga rabo uu yahay mid lagu Xaqiijinayo Amniga Puntland.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka