Nolosha qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka kenya oo laga dayriyey.

0

Warbixin ay soo saartay mid ah hay’addaha caalamiga ee ka faalooda arimaha qaxootiga ayaa lagu sheegay in ay sare u kacday muhaajiriinta ka caraya dalalka caalaamka gaa ahaan kuwa ay dagaaladu ka taagan yihiin, sida Somalia ,Suuriya iyo Afganistaan.

Sidoo kale warbxintaan ayaa lagu sheegay in dalka Suuriya oo kaliya ay ka barakaceen kudhawaad 10 milion qof kuwaas oo hada la sheegay in ay ku sugan yihiin dalka dibadiisa halka 6 milion oo ay kubaraceen dalka gudahiisa.

Xaalada oo kasii daraysa ayaa la sheegay in qaxootiga Soomaaliyeed iyo kuwa Suuriyaanka ah ay wajahaanyaan xaalada aad u liita islamarkaana loo baahanayahay in wax laga qabto dhibaatada haysata maadaam ay sare u sii kacayso barakaca iyo waliba dhibaatooyinka xaga nolosha ah.

Waxaa sidoo kale laga dayriyey Xaalada ay kunool yihiin qaxootiga Soomaaliyeed ee kunool xerada qaxootiga ee Dhadhaab dalka kenya waxaa lagu sheegay warbxintaas in ku dhawaad 330,000 qaxooti Soomaaliyeed ah ay wajahayaan xaalad nolo xumo dhanka caafimaadka ,waxbarashada iyo waliba daryeelka aasaasiga ah.