DHAGEYSO:- Odayaashii soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya oo Talooyin u jeediyay Madaxda Dowlada

0

Odayaashii soo xulay Baarlamaankan hada shaqeynaya ee Dowlada federaalka soomaaliya ayaa talooyin iyo dardaaran u jeediyay madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya.

Talooyinka ay soo jeediyeen waxaa ka mid ah in lagu saleeyo Baarlamaanka cusub qaaabkii horay loogu soo dhisay kan hada shaqeeya.

Waxay sidoo kale sheegeen in la dajiyo qorshooyin cusub si loogu guuleysto xulista Baarlamaanka Cusub oo noqonayo baarlamaanka 10-aad ee Jamhuuriyada Federaalka soomaaliya.

mid ka mid ah odayaashaasi oo Wareysi siiyay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dowlada ay dhinacyo badan la tashiyo ka sameyso.

Hoos ka Dhageyso Codka:-