Wajiga Labaad ee Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhaxe oo maanta si rasmi ah u furmay (Daawo video Sawirada)

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, ayaa maanta si rasmi ah dib u furay wajigii labaad ee Shirka Jowhar, kaasoo maamul loogu dhisayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, isla markaana bilihii u dambeeyay hakad ku jiray.

Socoshada shirkaani ayaa ku dhawaad laba bil hakat u galay Khilaaf salka ku hayay tirada Ergooyinka iyo arimo kale kaasi oo ugu danbeyntii maanta lagu guuleystay in dib loo furo xili ay madasha ku sugnaayen Wasiiro, Xildhibaano iyo Ergada labada dhinac.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay ergooyin ka tirsan labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo shirkaan maamul loogu dhisayo, walow ay diideen inay shirkan ka Qayb-galaan qaar ka mid ah Duubabka-dhaqanka ee Gobolka Hiiraan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlada Federalka Soomaaliya C/raxmaan Odowaa oo ka hadlayay furitaanka shirkan ayaa sheegay in muhiimad weyn ay u leedahay dowlada Federalka dhismaha maamul u sameynta labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Odawaa waxa uu sheegay in dowlada ay muddo dheer u soo adkeysanaysay in shirkan uu hakad ku yimaado, haatana ay ku wareejisay in ay shirka hormuud ka noqdaan duubabka dhaqanka.

Wasiirka waxa uu Ergada kula dardaarmay inay ka miro dhaliyaan hadafka shirka isaga oo ku amaanay inay u dub-dhexaad u noqon doonaan guulaha ka imaan kara shirka.

Bishii Janaayo ee sanadkan 2016-ka oo shirku uu si rasmi ah uga furmay Jowhar ayaa muddo kooban kaddib waxaa ku yimid Hakad, kaddib markii la isku Mari-waaay Sida loo qaybsanayo ergooyinka u matalaya beelaha Gobolladaas soo xulista Golaha Wakiillada.