Muqdisho: War-murtiyeed ka soo baxay shirkii Madasha Hoggaanka Qaran ee Soomaaliya – Video

0

madashaWaxaa maanta oo Salaasa ahn lagu soo gebagebeeyey magaalada Muqdisho, shirkii muddo saddex maalmood ah uga socdey Madasha sare ee Wadatashiga Qaranka,  taas oo ay ku mideysan yihiin hoggaamiyaasha maamul goboleedyada iyo Madaxda Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Qodobada ugu muhimsan waxaa ka mid ah:

Ergooyinka dooranaya Xildhibaanada ayaa gaaraya 13750 ergay, waxaana soo dooranaya odoyaashii dhaqanka ee soo xuley Xildhibaanadii 2012, cidda ka nool ama metalaysa oo booskoodi gashey tirada Xildhibaanada ayaa gareysa 275 oo midkiiba laga doonayo in uu haysto ugu yaraan 50 cod, taas oo tirada guud ee codadka ka dhigeysa 13750.

Hoggaamiyaasha ayaa isku raacey oo soo dhaweeyey heshiiskii Garoowe, waxaana qaabka xildhibaanada la isku raacay in ay ka dhacdo caasimadaha Dowlad Goboleedyada. Waxaana la isku raacey in qoondada haweenku ay sideeti tahay 30%.

Xildhibaanada Somaliland  ayaa la isku raacey in lagu doorto halka ay isku raacaan odoyaasha dhaqanka ee ka kooban 135 oday ee soo xulaya ergooyinka wax dooranaya qaybta Somaliland uga jirta.

Sidoo kale madaxda Hoggaanka Qaran ayaa  isku raacay in shirka dastuurka qaran  uu ka dhaco caasimadda Puntland ee Garoowe, waxaana shirkaasi dhacayaa 25 May – Bisha Juun 2016.

Madasha Hoggaanka Qaran ayaa wel-wel ka muujiyey hab-dhaqanka Kooxda Dabagalka cunnoqabateynta Soomaaliya iyo Ereteeriya, oo maalmihii u danbeeyey ay dhacayeen mudahaaraadyo iyo kulamo la soo abaabuley oo looga soo horjeedo.

War murtiyeedka gadaal ayaa laga daabacayaa.