Munaasabada Ciidamada XDS oo lagu qabtay Baladweyne ee Gobolka Hiiraan

0
Munaasabadan oo aheyd mid loogu dabal dagayay 56 Sano guuradii ka soo wareegtay markii la Aas Aasay Ciidamada Xogga dalka  Somaliyeed oo ku beegan 12-ka Bisha April ayaa maanta lagu qabtay Magalaada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan.
Munaasaabada ayaa waxaa ka qeyb galay  Maamulka Gobolka Hiiraan kan degmada Baladweyne, dubabka dhaqanka, Saraakiisha Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM odayasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka.
Ciidamada Xoogga dalka ayaa Goobta Munaasabada ay ka dhaceysay oo ku taala Xerada ciidamada lama galay ku soo bandhigay gaado ka ciyaar is weyn uu soo jiitay dadkii ka qeyb galay Munaasabada lagu xusayay  Aas aaskii ciidamada Xoogga dalka oo maanta ku beegan.
Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka ee Gobolka Hiiraan Tawane Axmed Gurey ayaa sheegay in 12-ka April ay qiimo weyn ugu fadhiso  Shacabka Somaliyeed maadaam maanta ku beegan tahay markii la Aas Aasay ciidamada difaaca dalka Somaliya.
Xubnaha ka qeyb galay  Munaasabada loogu dabal dagayay Sannad guuradii ka soo wareegtay  markii la Aas Aasay ciidamada Xoogga dalka Somaliyeed ayaa amanay doorka  Ciidamada  XDS ee Gobolka Hiiraan kaalinta ay ka qaadanayaan  sugida aminga Gobolka  Hiiraan.
Guudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yusuuf Axmed Hagar (Daba Geed)  oo  hadal ka jeediyay Munaasabada ayaa dowlada Federaalka  ku eedeyay in aysan sidii loo bahan  uu garab si taagin Ciidamada Xoogga dalka ee Gobolka Hiiraan gaar ahaan Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugida  islamarkana ay ku shaqeeyaan  daruufo kala duwan,
bashiir cabdulahi cismaan
beledweyne,soomaaliya