Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe oo maanta furmaya

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa Maanta gaaray Magaalada Jowhar Ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe islamarkaana ay taalo Gogosha Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Wasiir Odawaa ayaa sheegay in Shirka Maamulka loogu sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe wajigiisa labaad uu Furmayo Saacadaha soo socda.

C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa Xusay in Shirka Wajigiisa Labaad uu mudo Hakad ku jiray islamarkaana uu saacadaha soo socda ka furmayo Magaalada Jowhar.

Madaxweynaha Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 12kii Bishii Koowaad ee sanadkaan Jowhar ka Furay Shirka Maamulka loogu sameynayo Labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Waxaana waxii intaa ka dambeeyay uu ahaa mid Hakad ku jiray Shirka,iyadoo wali Shirka ay diidan yihiin Beello wax ka daga Gobolka Hiiraan