Daawo Sawiro:-Kulan ay yeesheen Golaha Badbaadada KG iyo Bulshada ku nool Gobalaka Mudug,,

0

Kulan waxuu ku saabsanaa sidii loo mideeyn lahaa bulshada ku nool Deegaanada  Gobalka Mudug  Waxaa Qayb weyn ka qaatey Siyaad Sheekh Daahir  , Faaiza Jeylaani Aawoow iyo Cabdi naasir Maxamed Faarax , iyadoo ay goob joog ahaayeen Masuuliyiinta Golaha Badbaadada KG oo kala ah Idriss Cabdi Dhaqtar iyo Cali Maxamed Yuusuf (Cali Shukur) Qodabada ugu muhiimsan ee loogu hadley waxaa kamid ahaa:-

1. Is dhexgalka Bulshada Koonfur Galbeed iyo Reer Puntland
2. In la sameeyo Gudi matala dadka kasoo jeeda Koonfur galbeed
3. in bulshada kasoo jeeda Koonfur galbeed ay sameestaan Gudi dhinaca Dhaqaalaha oo Qaabilsan Samafal
4. In laga Furo Xafiis ay leeyahiin Golaha Badbaadada Koonfur Galbeed , Kaasoo u shaqeynayo Badbaadada Shacabka.
Bulshada Kunool Gobalka Mudug  ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa soo dhaweeyey Masuuliyiinta Golaha Badbaadada Koonfur Galbeed , Masuuliyiinta  ayaa ka warbixiyey safardooda ay ku tageen Deegaanada Gobalka Nugaal Taasoo looga hadley Tacadiyada iyo dhibaatooyinka lagu hayo Bulshada Kasoo jeeda Koonfur Galbeed iyadoo ay Masuuliyiinta Golaha Badbaadada ay shirar kala duwan ay la yeesheen Masuuliyiinta Puntland  , iyadoo laga hadley  sidii Xal loogu heli lahaa Tacadiyada iyo Takoorida lagu haayo Bulshada KG.
Gebagebadii waxaa Fadigaas lagu doortey Gudi ka shaqeeya Danaha shacabka ku nool Deegaanada Puntland oo ka kooban 8  xubnood kuwaasoo masuul ka ah Gobalka Mudug
Idriss Cabdi Dhaqtar
Gudoomiye ku xigeenka Golaha Badbaadada KG Soomaaliya.
DSC00466 DSC00467 DSC00468 DSC00469 DSC00470 DSC00471 DSC00472 DSC00474 DSC00475 DSC00476 DSC00477 DSC00478 DSC00479 DSC00485 DSC00486 DSC00487 DSC00488 DSC00489