JUBALAND STATE OO KAXUN GAFKII IYO KHIYAANADII PUNTLAND UGA TIMID

0

Labada shacab ee puntland iyo jubaland waa walaalo soomaaliyeed,wax dhib ahina ma dhexyaalo shacabka.hadaba qaadashadii go aan kii mogdisho ee dawlada fadaraalka iyo madaxda goboladu wada gaareen kadib markii madaxwayne xasan sheikh go aamiyay ayaa keenay gafka iyo khiyaanada puntland u geeysanayso jubaland.Sida lawada ogsoon yahay puntland waa maamul ku dhisan,khiyaano,been,dhaqaalo uruursi iyo shisheeye kalkaalid ama u adeege shisheeye.arintanina waxay gaar ahaan timid markii uu madaxwayne ka noqday dr gaas oo hada looga yaqaan dalka soomaaliya dr beenaale. siyaasaduna maha been iyo khiyaano sida ay u fasiraan kuwa aan siyaaso aqoon u lahayn fahan sanayna.

Waxay puntalnd qorshaysay in ay ku awrkacsato Mudane madaxwayne axmed madoobe oo ka dhigato ul ay ku garaacdo mogdisho.waxay iska dhigeen sidii iyagoo diidan 4.5 waxayna jahawareeriyeen axmed madoobe,waxayna mediada iyo suuqaba u galiyeen meel walbana la istaageen in uu puntland uuga baxay balan ahayd in uu diido 4.5 tanoo aan jirin. waxay ka horkeeneen bulshadii jubaland iyo puntland.arintan waa gaf kuwajahan axmed madoobe iyo jubaland waxaana idaacadaha aan kawada dhagaysanay dr gaas warkiisaba iska daayoo xataa faroole ayaa u gafay madaxda sare ee jubaland iyo shacabkeedaba.waxayna xiligaa faroole iyo dr gaas iska dhigayaan wax diidan 4.5. khiyaanadu waxay ahayd in jubaland iyo mogdisho laysku diro oo lakala shaki galiyo.axmed madoobe iyo jubaland waxay aad ula yaabeen ninkii hada uun lahaa mogdishaad iga raacday oo kumilanba mogdishadii.

Mudane axmed madoobe dabin baa loo dhigay foolxun.maantana indhihiisuu ku arkaa dabinkaa,waxaana ka xun gafka iyo khiyaanada ay puntland ugaysatay jubaland madaxda iyo shacabka jubaland.arintani waxay cashar wayn u tahay madaxda sare ee jubaland.waxaana laga dhaxlay in jubaland ku ekaato danaha iyo masiirka dagaankeeda iyo shacabkeeda kana digtoonaato dhagarta puntland had jeer lamaagan tahay jubaland.puntland waxay si dadban iyo si toos ah u burburinaysaa karaamada iyo siyaasada jubaland ee ku wajahan soomaaliya.waxayna puntland ka shaqaynaysaa inay ka horkeenaan jubaland dariskeeda sida koonfur galbeed iyo mogdisho. jubaland waa meesha kaliya ee soomaali ku dhantahay uuguna jecel in soomaaliya ay hagaagto oo nabad lagu soo dabaalo dalka. hadaba iyadoo sumcadaas leh ayaa larabaa in la dhooqeeyo.Mana aha in axmed madoobe kumilmaa puntland oo ah meel soomaalidu ka aamin baxsan tahay karaamo beelna haysto hada oo nin dardaran horboodayo oo beeso uruuris ku jiraa.

                                                                               GABAGABADII

Hadii axmed madoobe uu kabixi waayo ku labnaashaha puntland waxaa soo dagdagaya hoos u dhac sharafkiisa iyo mustaqbalkiisa siyaasadeed ee soomaaliya.hadiise uu kafogaado puntland oo iska aruuriyo waxaa sii laban laabmaya sharafkiisa iyo mustaqbalkiisa siyaaso ee ku wajahan jubaland iyo soomaaliyaba waxa uuna noqon doonaa aayaha hogaamiye la jecelyahay laguna aaminikaro qaranka soomaaliyeed.waayo waa nin leh go aan iyo haybad hogaamin mustaqbalka.hada dalka Mudane xasan ayaa dib loo dooran doonaa sida qorshuhu ahaa oo laysla meel dhigayba balse aayaha ayaan ka hadlayaa. axmed madoobe koonfur galbeed waa rabaan,galmudug waa rabaan,mogdisho waa rabaan,jubaland waa rabaan,nin sumcadaas leh majiro isagay u gaartahay maanta.puntland ayaa taa la dagaashan oo shirqool u dhigaysa marwalba.dr gaas iyo ragiisu waa cadawga jubaland malaha cadawkale jubaland.axmed madoobe wali wax xaal iyo xumayn ah oo uu ka qaaday majirto gafka puntland iyo khiyaanadeeda!!

Yuusuf  Cumar Mashruuc5@hotmail.com