Golaha Badbaadada Koonfur Galbeed oo Shir u Qabtey Maamulka Puntland iyo Bulshada Koonfur Galbeed kasoo jeeda.

0

Golaha Badbaadada koonfur galbeed ayaa Todabaadyadan safar ku marayey Deegaanada Maamulka Puntland ,iyagoo u kuurgalayey Xaaladaha Dhibaato ama Tacadiyo la sheegey in ay la kulmeen Bulshada kasoo Jeeda Koonfur Galbeed. Wafdigaas waxaa Hogaaminayey Idriss Cabdi Dhaqtar , Caasha Abuukar Qasin iyo Cali Maxamed Yuusuf (Cali Shukur) oo ka kala socdey Dalka Dibadiisa iyo Gudahiisa , Golaha Badbaadada KG waxay la kulmeen Dhamaan Xubno kamid ah Masuuliyiinta Madaxtooyada , Golaha Wasiirada Siiba Wasaarada Amniga , Wasaarada Haweenka iyo   Xaquuqal insaanka, Xafiiska Madaxbanaan ee Xaquuqal Insaanka , Xafiiska Legal Aid , Xafiiska PRDC iyo Maamulada Gobalada iyo Degmooyinka , Dhamaan waxaa laga wadahadley sidii loo ilaalin lahaa Xaqa uu leeyahay Muwaadan Kasta ee ku nool Puntland iyo xaquuqda lagu leeyahay , iyadoo bulshada kasoo jeeda Koonfur Galbeed sidey u heli lahaayeen nabadgelyo iyo in la ilaaliyo Ganacsigooda iyo goobaha ay ku leeyihiin Mehradooda Ganacsi .

Golaha Badbaadada KG ayaa Booqdey Xabsiyada Maamulka Puntland ee ay ku jiraan Bulshada kasoo jeeda Koonfur Galbeed , Golaha ayaa si wanaagsan loogu soo dhaweeyey Goob waliba ay tagaan , Waxaan Tagney Goob ay kujiraan Caruur da’dooda ka yar 15 sano , goobtaas oo loogu sameynayo Xanaano Gaar ah, Golaha Badbaadada KG ayaa soo qorey Magacyadooda iyo Deegaanada ay ka yimaadeen ama Qabiilka ay yihiiin , Golaha Badbaadada KG ayaa waxuu la xariirayaaa dhamaan Caruurta Waalidiintooda kuwaasoo ku sugan Deegaanada Koonfur Galbeed.
Gebagebadii Wafuuda Golaha Badbadada ayaa u ambabaxey Deegaanada Kale ee katirsan Gobalka Nugaal iyo Maamulka Soomaaliland
Idriss Cabdi Dhaqtar
Gudoomiye Ku xigeenka Golaha Badbaadada Koonfur Galbeed
DSC00465 DSC00454 DSC00440 DSC00439 DSC00433 DSC00427