DHAGEYSO:Wasaarada Waxbarasho oo imtixaanka qaadaysa sanadkaan.,

0

Wasaarada waxbarashada dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay isku diyaarisay qaadista imtixaanka sanad dugsiyeedkaan .

Agaasimaha waasarada waxbarashada dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdiqaadir oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in sanadkaan dowladda Soomaaliya ay isku diyaarisay in ay imtixaanka arday fasalka ugu dambeeyey sanadkaan.

Maxamed Cabdiqaadir ayaa sheegay in Wasaarada waxbarashada iyo waliba Dalladaha waxbarashada ay isku raaceen in ay hal meel kuwada qaadaan imtixaanka sanadkan.

wasaarada waxbarashada dowlada Soomaaliya ayaa sanadkii hore ku guulaystay in ay imtixaan ka qaado arday qalinjabinaysa.