Dhagayso;Maxaa looga hadlay kulanka Baarlamaanka Somaaliya

0

Kalfadhiga 8 aad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho ugu furey madaxweynaha Soomaaliya oo dastuuriyan u leh in uu furo kalfadhi kasta oo mudanayaasha golaha shacabka u furmaya.

Kulanka aan caadiga aheyd ee lagu furayay kalfadhiga 8 aad ee baarlamaanka ayaa waxaa khudbad qiimo weyn leh ka jeediyay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan isagoo ka hadlay arimo muhiim ah oo xaaladda dalka quseeya.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in baarlamaanka mudadii la soo dhaafay uu ku talaabsaday wax qabad muuqda inkastoo uu sheegay in wax badan ay u harsan yihiin isla markaana kalfadhigan u dambeeya ay isku dayi doonaan in ay dhameystiraan howlaha hada horyaal golaha shacabka.

Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sidoo kale sheegay in kalfadhigan 8 aad uu yahay kan ugu adag maadaama uu yahay kan lagu go’aaminayo mustaqbalka wadanka iyo meesha uu dalka u dhaqaaqayo.

Madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo khudbadiisa dastuuriga aheyd ka jeediyay xarunta golaha shacabka ayaa ugu horeyn mahadcelin u jeediyay guddoonka iyo dhamaan mudanayaasha golaha shacabka sida ay howshooda ugu dhabar adeegaan xilli dalka uu ku jirey duruufo adag.

Madaxxweynaha ayaa sidoo kale baarlamaanka ugu hambalyay furitaanka kalfadhiga 8 aad oo ah kan u dambeeya baarlamaanka 9 aad ee Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayay horumarka dalka uu gaaray ayaa tusaale ahaan u soo qaatay in muddo ku dhow 30 sano kadib dowladda Soomaaliya ay u suuragashay in ay xiriir wada shaqeyneed la yeelato hey’adda lacagta aduunka ee IMF.

Hoos Ka Dhagayso Codka