Dhalinyaro isu xilqaantey mideynta iyo isku xirka guud ahaan iyo gaar ahaan dhalinyarada iyo aqoonyahanada kasoo jeeda Bulshoweyta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

0

Arlaathy Generation Union  Jiilkii iski hirki Arlaathy

Dhalinyaro isu xilqaantey mideynta iyo isku xirka guud ahaan iyo gaar ahaan dhalinyarada iyo aqoonyahanada  kasoo jeeda Bulshoweyta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

Ujeedaddada ka dambeysa ayaa ah sidii loo kulmin lahaa fikradaha waxtarka u ah bulshada iyo horumarinta luqada af Maay maayga. Waxa farxad inoo ah in arimaha barnaamijka oo loo adeegsadaa ay tahay aalada internetka nooca loo yaqaano Snapchat.

 

Wada sheeksi iyo fikrada arurin dheer ka dib  kulanka qadka ayaa waxa la isku af gartey magc bixinta ururka waana Jiilki iski hirki Arlaathy ( Arlaathy Generation Union) AGU.

 

Qodaba ugu horeeya oo ka bilaabi doona howshooda waa isku xirka guud ahaan dhalinyarada iyo aqoonyahanada kasoo jeed  bulshoweynta  K/Gabeed Soomaaliya meel kasta oo ay aduunyada ka joogaan iyadoo weliba ka howl geli doono ururka daafaha caalamka oo dhan.

 

Waxan marag ma doonto ah in lahjadaha Af-Soomaaliga kuwa ugu horeeya maanta ay yihiin Af Maay iyo Maxaa tiri sidaa darteed  dhalinyarada iyo aqoonyahanadan waxay ka dhiidhinaayaan sidii loo hormarin lahaa hidaha iyo dhaqanka soomaaliyeed  iyo horumarinta luqada Afmaay soomaaliaga.

 

Kulanka qadka waxuu ahaa mid u dhaxeeya dhalinyaro iyo aqoonyahano qeybaha bulshada K/G Soomaaliya oo kula kala nool USA,Canada, Australia,Sweden, Holland, Denmarka, Norwey, Germany, France, Bulgium iyo UK. Qoraal ahaan kuma soo koobi karno fikrdaha la isku dhaafsadey ka qeybgalka dooda iyo falanqeynta waxa qeyb ka ahaa kuwo ku nool Qaarad Asiya iyo Afrika sida; Saudia Arabia, Qadar, Oman, UAE , Kuweit, Kenya , Ethiopia, Somalia, Uganda iyo South Africa.

 

Asaasayaasha ururkani la magac baxay Jiilkii Iskihirki Arlaathy ( Arlaathy Generation Union AGU ) waxa xrun u ah dalka Sweden  iyadoo ay isku bahaysteen dhalinyaro iyo aqoonyahano u go,odoomey iney la jaan qaadaan qaababka iyo ilbaxnimada isku xirka bulsho kala dheer isuna ooman mar walba.

 

Waxa dhowaan lasoo magacaabi doonaa  gudoonka iyo gudiga dhexe ee ururka uu yeelan doono, Waxuuna la amboqaadi doona xeerarka iyo dhaqamada caalimiga ee ilbaxnimada ku saleysan iyadoo uu astaan ahaan u yeelan doona hidaha iyo dhaqanka wanaagsan ee Bulshoweynta Soomaaliyeed , ururka kama reebana iney wada shaqeyn yeeshaan qeybaha kala duwan ee Soomaali weyn kasoo kala

 

jeeda Maamul Goboleedyada kala duwan ee Soomaaliya.
Wax hada si kumeel gaar ah Afhayeen loogu magacaabey aqoonyahan Dr Ukash Sugow Mohamed ahna  aqoonyahan lasoo shaqeeyey  ururo caalami ah iyadoo aan kusoo gudbin doona taariikh nololeedkiisa qoraaladeena dambe. Wabilaahi Towfiiq
Arlaathy Generation Union Sweden