Dhageyso:-Daawo Sawiradda: Maamulka Gobolka iyo Degmada Baydhabo Oo Maanta Dhagex Dhigey Wado Muhiim Ah

0

Gudoomiyaha Gobolka Bay iyo kan Degmada Baydhabo  ayaa manta siwadajir ah Udhagaxdhigay  Wado  Muhiim u ah Marinka Gaadiidka Xamuulka qaada.

Midkamid ah wadooyinka mara magaalada Baydhabo oo lagu magacaabo wadada sodonka  oo bur bursaneyd ayaa  haatan lagu bilaabay in did loodhiso ayadoo dhismaheeda ay iska kaashanayaa hay adaha DDG iyo DRC iyo maamulka Degmada Baydhabo.

Dhowr iyo labaatankiisano ee bur burku jiray  oo dadkii degenaa hakaasi waxay  guryahooda gudaha usoogaleen wadadaasi waxaana la islagartay in guryahaasi laburburyo kadib markii dadka deegaanka iyo maamulka isku afgarteen in laburburiyo guryaha shacidarada usoogakay wadada.

Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Cabdulaahi Cali Watiin iyo Gudoomiyaha Gobolka Bay Cabdirashiid ayaa siwada jir ah udhaxdhigay Wasadaasi sodonka Maanta

Dr Cali Rooble oo kamid ah dadka guryahooda kusoosikaday wadada ayaa  garawsaday in gurigiisa oo aad uquruxbadan uuu gacantiisa ku burbutiyo Dhimaha wadadaasina ugudeeqo lacag gaareysa 10.000 oo doolar waakana isagoo arintaasi kahadlaya.

Aaad ayaan ugufaraxsanahay in maata Gacanteyda aan kuburburiyo Markii aan arkey Howsha wanaagsan ee ay wadaan Gudoomiyaha Gobolka Bay iyo Duqa degmada Baydhabo

Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Cabdulaahi Cali Watiin iyo Gud Bogolka Bay Cabdirashiid Cabdulaahi ayaa sheegay in  in wadadan loogutalagalay gaadiidka waaweyn ee ugudbaya gobolada muhiimna tahay in labor burinaayo guryaha sharcidagrada loogudhisay wadooyinka .

Aad ayaan uga mahadcelinaynaa dadka shacabka ah ee gartay in ay Guriyahooda Sharcidarada ahaa ay burburiyaan  waxaana howshan ay kawadasocotaa wadooynin badabn oo hada ladhisaayo

Ugu dambeyntii,Maamulka Gobolka iyo Degmada ayaa mudooyinkan  waxaa ay xooga saarayeen  dib udhiska wadooyinka  taas oo kamid aheed balanqaadyadoodii ay kujirtay Waqtigii doorashadooda.

Halkan Ka Daawo Sawiradda

001002003004005

Wariye Abshir Maxamed Nuur Baydhabo Janaay