Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

0

Mogadishu, 09 April 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Dowladda oo dayactireysa xarumaha Dowladda ee Buule-Burte, Ciidamada Booliska oo gacanta ku dhigay danbiilayaal Hoobiyeyaal ku riday shacabka, Hay’ada Lacagta Adduunka (IMF) oo bogaadiyey horumarka Soomaaliya ee Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda, Degmada Aadan Yabaal oo laga saaray kooxaha Argagaxisada ah, Lix Horjoogeyaal Al-Shabaab ah oo la dilay, Tiro ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo howlgalo lagu soo qabtay, Nabad-Sugida oo Gaari walxaha Qarxa sida ku soo qabtay Muqdisho, Ciidamada XDS iyo AMISOM oo la wareegey degmada Janaale, Dowladda Federaalka iyo Puntland oo heshiis ka gaaray nooca doorashada sanadkan 2016ka, Dowladda Federaalka oo Hal Milyan oo Dollar gaarsiisay Somaliland, Soomaaliya iyo Masar oo xoojinaya xiriirkooda soo jireenka ah iyo Madaxweynaha oo abaalmariyey Telefishanka Qaranka Soomaaliya.

Dowladda oo dayactireysa xarumaha Dowladda ee Buule-Burte

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda ayaa 7dii April gaaray degmada Buuli Burte, si ay ugu kuurgalaan xaalada degmada isla markaasna xarumaha Dowladda qiimeyn lagu soo sameeyo si loo dayactiro oo loogu sii diyaariyo in degmada ay xarun u noqoto Dowlad Goboleedka Hiiraan & Sh/Dhexe. Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha waxa ay kulamo la qaateen odoayasha dhaqanka, qeybaha bulshada iyo maamulka, iyagoo warbixino ka dhageystay qaar ka mid ah odoayasha oo codsaday in dib loo furo waddada isku xirta Buulo burte iyo Jalalaqsi ee aada Jowhar.

Ciidamada Booliska oo gacanta ku dhigay danbiilayaal Hoobiyeyaal ku riday shacabka

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa fiidkii 7dii April 2016 gacanta ku dhigay danbiilayaal iyo gaari nooca Dadweynaha ee loo yaqaano Mini Bus oo uu saarnaa qoriga Hoobiyaha ee loo adeegsaday madaafiic lagu weeraray Degmada Xamar Jabjab ee Gobalka Banaadir. Ciidamada ayaa iska caabin kala kulmay Kooxda madaafiicda tuureysa oo gaarayay illaa afar ruux. Afhayeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Kaamil Macalin Shukri ayaa sheegay in ciidamada booliska oo heegan ugu jiray Sugidda Ammaanka Magaalada Muqdisho ay dabagaleen koox ka tirsan Al-shabab oo Hoobiyaal ka tuurayay Gudaha Magaalada Muqdisho, isla markaasna ku guuleystay in la soo qabto shaqsiyaadkii tuurayey hoobiye iyo gaarigii uu saarnaa qoriga laga rido hoobiyaha. Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda ayaa bilaabay baaritaanada kooxaha saarnaa gaariga Caasiga ah ee Hoobiyaasha laga soo tuuray.

Hay’ada Lacagta Adduunka (IMF) oo bogaadiyey horumarka Soomaaliya ee Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda

Wasiirka Maaliyadda Sooamlia, Mudane Maxamed Aadan Ibraahim “Farkeeti” iyo wafti uu hogaaminaayay ayaa magaaladda Nairobi kulan socday 30 March – 5-ta April la yeeshay wafti ka socday Hay’ada Sanduuqa Caalamiga Adduunka ee loo yaqaano (IMF). Wafdiga IMF oo uu hogaaminaayay Mr. Rogerio Zandamela ayaa aad u soo dhaweyey horumarada dhanka maamulka maaliyadda ee dowlada Soomaalliya ay ku talaabsatay mudooyinkii ugu dambeeyey. Mr Zandamela ayaa sheegay inkastoo ay xaalado adag dalka ka jiraan, hadana dadaalka dowladda waa mid mira dhalaya. Horukaca dhaqaalaha 2015tii waxaa lagu qiyaasay 3.7 boqolkiiba, halka sicir bararka 1% lagu qiyaasay. Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamed Aden Ibraahim Farketi ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiiijinta dadaalka loogu jiro hufnaanta maamulka iyo maaliyadda ee dalka, xoojinta adeegyada maaliyadeed iyo dib-u-noolaynta nidaam maaliyadeed oo isla xisaabtan ku dhisan. Heshiiskaan oo fulintiisa looga baahan yahay dowladda Soomaaliya wuxuu horseed u noqon karaa in daynta Soomaaliya lagu leeyahay oo gaaraysa 5.4 Billion oo Dollar, qaarkeed laga cafiyo.

Degmada Aadan Yabaal oo laga saaray kooxaha Argagaxisada ah

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa 6dii April 2016 si wada jir ah gacanta ugu dhigay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaasi oo iminka ku guda jira howlo baaritaanno ah. Ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa si Nabadgelyo ah ku galay degmada, kuwaasi oo ku guda jira howlo amni xaqiijin ah, si looga hortago in haraadiga qaraxyada ay aaseen Al-Shabaab aysan waxyeelo uga soo gaarin ciidanka iyo shacabka halkaasi ku nool. Degmada Aadan Yabaal ayaa ka mid ah goobaha ay haraadiga Al-Shabaab dadka ku dhibaateyn jireen, waxaana iminka maamulka halkaasi ka jira ay dadaal u galayaan sidii dib loo soo celin lahaa adeegyadii bulshada ee halkaasi ka jirtay. Saraakiisha ciidamada hogaamineysa ayaa tilmaamay inay kulamo la qaadanayaan odoyaasha dhaqanka, si ciidamada gacan loogu siiyo sugidda amniga oo ay la shaqeeyaan.

Lix Horjoogeyaal Al-Shabaab ah oo la dilay

Howlgallo ay si wada jir ah u fuliyeen ciidanka AMISOM iyo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu dilay lix horjooge oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaasi oo ku kala sugnaa deegaanada Leego iyo Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose. Howgallada oo socday horaantii todobaadkan ayaa ciidamada wada jirka ah waxa ay ku dileen Lix ka tirsan horjoogayaasha sare sare ee Al-Shabaab oo ajaanib ay ku jirtay, kuwaasi oo kala ah Aadan Baale oo Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose, Sheikh Mohamed Ali ku-xigeenka labaad ee horjoogaha Shabaab ee deegaanka Janaale, Mohamed Abribao, Hassan Ali Dole oo Shabaab dhanka amniyaadka ugu xilsaarnaa gobolka Shabeellaha Hoose, nin u dhashay dalka Yemen oo magaciisa lagu soo koobay “Abu Islam” nin Kenyaan u dhashay oo lagu magacaabi jiray Sheekh Mansur oo u qaabilsanaa dhanka tababbarada. Howlgaladan ayaa dib loogu furay waddooyin ay kooxda arggaxisada dadka ku dhibaateyn jireen ee degaanada Sh/Hoose ka tirsan.

Tiro ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo howlgalo lagu soo qabtay

Howlgal ay ciidanka amniga ay ka sameyeen degmada Yaaqshiid ee gobolka banaadir 5tii April 2016 waxaa looga gol lahaa xaqiijinta amniga caasimada. Intuu uu socday hoowlgalka ayaa waxaa lagu soo qabtay ku dhawaad 500 oo qof oo markii baaritaano lagu sameeyey lagu soo xirey 10 maleeshiyaadka ka tirsan. Howlgaladan ayaa looga dan leeyahay sidii loo xaqiijin lahaa amniga caasimada. Ciidamada amniga ayaa ammaanay doorka shacabka uguna baaqay inay sii labolaabaan si loo sugo amniga loona xaqiijiyo in kooxaha argagaxisada aysan dhibaato u keenin shacabka.

Nabad-Sugida oo Gaari walxaha Qarxa sida ku soo qabtay Muqdisho

Ciidamada Amaanka Dalka gaar ahaan kuwa Nabad Sugidda iyo Sirdoonka ayaa gacanta ku dhigay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la soo dhigay illinka hore ee maqaayad u dhaw Guriga hooyooyinka ee magaalada Muqdisho. Gaariga oo ahaa nooca raaxada ayaa kooxda argagixisada Al-Shabaab waxa ay qaraxa uga soo xireen qeybta Qaboojiyaha gaariga iyadoo markii dadka shacabka ah ay ku soo wargaliyeen hayadda NISA ay durbadiiba goobta soo gaareen kooxda miina baarka kuna guuleysteen in ay qaraxa gaariga ka furaan.

Ciidamada XDS iyo AMISOM oo la wareegey degmada Janaale

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya ayaa 4tii April 2016 la wareegay deegaanka janaale, kadib markii howlgalo lagu baacsanayay kooxda Al-Shabaab uu ka dhacay deegaankaas, oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose. Ciidamada dowladda ayaa dhawaan halkaasi waxa ay ka fuliyeen howlgal lagu diley horjooge ka tirsan maleeshiyaadka Alshabaab. Dadaaladan ayaa ah sidii kooxaha Al-Shabaab looga sifeyn lahaa dalka oo dhan, si aysan ugu suurtogelin inay dib isu ururasadaan oo ay shacabka dhibaateeyaan.

Dowladda Federaalka iyo Puntland oo heshiis ka gaaray nooca doorashada sanadkan 2016ka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa soo dhaweeyey heshiiskii lagu saxiixay Garoowe oo Puntland ay ku oggolaatay in habka awood-qeybsiga beelaha lagu soo xulo xildhibaanada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyey Dawladda iyo Shacabka Puntland, wuxuna tilmaamay in Soomaaliya ay ku jirto xili adag oo xasaasi ah, isla markaana looga baahan yahay in tanaasul la muujiyo. Isagoo xusay muhiimadda ay arrintan u leedahay dalka Soomaaliya, xiligan kala guurka ah iyo wada shaqaynta Dawladda dhexe iyo Puntland. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegey in Dowladda Federaalka ay muhiimad weyn siinayso xal u helida mushkiladaha u baahan in wax laga qabto. Wuxuna ku celiyey in sanaddan 2016 wixii ka danbeeya dalku ka gudbi doono nidaamka 4.5 oo muddo badan lagu soo gudbay.

Dowladda Federaalka oo Hal Milyan oo Dollar gaarsiisay Somaliland

Dowladda Federaalka ayaa Hal Milyan oo Doolar gaarsiisay Somaliland si ay u kaashato oo ay Abaaraha ka jira deegaankaas ay wax uga qabtaan. Dhaqaalahan oo loogu talo galay dadka ay saameeyeen abaaraha ee ku nool deegaanada Soomaaliland ayaa ka timid madaxda iyo shaqaalaha dowladda Soomaaliya oo lacagta iska soo aruurriyey, waxaana lagu wareejiyey Guddiga Gurmadka Abaaraha dalka oo 3dii April 2016 gaaray Hargeysa kuna wareejiyey dhaqaalaha guddiga Abaaraha ee Somaliland. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carta oo garoonka Muqdisho kulan kula qaatay xubnaha guddiga ayaa sheegay in dhaqaalahan oo horudhac ah kaalin ay ka qaadan doonaan yareynta baaxada abaaraha ka jirta gobollo kamid ah Soomaaliland. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka mudane Maxamed Cumar Carta ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid Allah loogu dhawaanayo oo lagu badbaadinayo dad ay isku biirsadeen biyo yari iyo cuno la’aan.

Soomaaliya iyo Masar oo xoojinaya xiriirkooda soo jireenka ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 3dii April 2016 xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Masar ugu qaabilsan arrimaha Afrika Maxamed Idris. Madaxweynaha waxaa uu ka mahad celiyay xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya labada dal, iyo sida ay labada dhinac diyaar ugu yihiin xoojinta xiriirkooda. Labada waddan ayaa iska kaashan doona dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada, Beeraha, Ganacsiga, Amniga iyo Arrimaha bulshada. Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Masar Mr Idris ayaa sheegay in dalkiisu uu gacan ka geysan doono dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya. Kulankaasi waxaa sidoo kale ka qeybgaley Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Cali Kadiye, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan iyo mas’uuliyiin kale oo labada dhinac ka kala socotey.

Madaxweynaha oo abaalmariyey Telefishanka Qaranka Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka qeybgalay xaflada sanadguurada 5aad ee Telefishanka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV) oo 4tii April 2016 lagu qabtay Muqdisho. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareye) ayaa sheegay in mudadii 5ta sano aheyd uu TV-ga Qaranka ku tallaabsaday horumar baaxad leh oo dhan walba ah, sida wacyigelinta bulshada, baahinta waxqabadka Dowladda, u adeegista bulshada Soomaaliyeed iyo ka haqabtirka barnaamijyada waxbarashada, caafimaadka, caruurta, haweenka, arrimaha bulshada iyo arrimaha siyaasada. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ku dhiirigeliyey maamulka iyo shaqaalaha TV-ga howlkarnimadooda iyo sida ay naftooda ugu hureen badbaadinta shacabka iyo u ololeynta nabada iyo horumarka dalka. Madaxweynaha ayaa abaalmarino kala duwan guddoonsiiyey shaqsiyaad waxqabad dhab ah la yimid.

weekly9
weekly10
weekly11
weekly7
weekly8
weekly6
Weekly5
weekly4
weekly1
weekly
1
7