Malaaqa Beesha EELAAY oo Maanta Shirjaraaid u Wax Badan Kaga Hadlay ku Qabtay Baydhaba

0

Sida la wada ogsoon yahay burburkii ku yimid dowladdi dhexe ee Soomaaliya waxaa lagu heshiiyey in la qaato Federaal si loogu baahiyo awoodda degmooyinka iyo gobolada Dalka.

Federaal kaas oo macnihiisu yahay in hoos laga soo bilaabo dhisme maamulku yimaada doorashooyin xor ah iyo rabitaanka shacabka deegaanka sida uu qabo dastuurka KMG ayaa waxaa dhacday in la marin habaabiyo lana maroogsado awoodii shcabka ee dastiiga ahayd lana dhiso dowlad goboleedyo kumeel gaar ah ee aan loo marin dhismahooda hab raacii sharciga ahaa iyo sinaan awood qeybsiga beelaha wada dega goboladaas taas oo keentay khilaaf baahsan ee ku yimid beelaha wada dega goboladaas laga dhisay dowlad goboleedyada gaar ahaan Beelaha walaalaha ah ee wada dego Degmada Buurhakaba.

Ugaas Yuusuf Cabdiyow Macalin oo ah ugaaska guud ee Beelweynta Eelay ayaa waxaa uu maanta shir jaraa’id magaalada Baydhabo kula yeeshey madax dhaqameeyada iyo qaybaha kala duwan ee ururada bulshada ka soo jeeda deegaanada hoos yimaada Degmada Buurhakaba.

Shirkan oo lagu magacaabey Gogol Nabadeed ayaa waxaa looga Hadley ajandooyin dhowr ah oo ay kamid yihiin

  1. Nabadeeyn iyo dib u heshiisiin loo sameeyo walaalaha ujeedda sare ku xusan

2.In laga wada tashado sidii loo horumarin lahaa ammaanka degaanka iyodhammaan adeegyada bulshada ee daruuriga u ah.

Dood iyo hadal dheer kadib waxa shirkaasi laysugu soo raacey in laysugu yimado shir weyne ay madax dhaqameeyada iyo qaybaha kala duwan ee ururada bulshada ka soo jeeda deegaanada hoos yimaada Degmada Buurhakaba shirkaasi oo lagu qaban doono degmada Buurhakaba ayadoo xiliga shirka laqaban doonana ay tahay 18 – 04 – 2016 waxana shirkasi ku soo qeyb gali doonaan ilaa 200 oo ergo.

Shirkan ayaa waxaa loo xilsaarey gudi qaban qaabo oo ka kooban ilaa 9 kaas oo ka kooban dhamaan beelaha dega deegaanada sedax buurood iyo mashaa’iqda guddiga waxuuna u qeybsamaa seddax guddi hoosaadyo kuwaas oo kala ah

1.Guddiga habsami u socodka iyo logistikada

2.Guddiga dib u heshiisiinta iyo xalinta khilaafaadka

3.Amniga iyo xasilinta shirka.

Guntiyo gunaanatkii waxaa shirka maanta ku soo dhamaadey jawi degan ayadoo guud ahaan ay xubnihii ka qeyb galey shirkaasina ay isku raaceen go,aanada kor ku xusan.