DHAGEYSO: Maamulka G/Banaadir oo ka hadlay qaraxii ka dhacay Muqdisho,,

0

3 qof ayaa ku dhimatay 5 Kalena wey ku dhaawacmeen ka dib markii Baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay maqaayad ku taalla iskooska Beyxaani ee magaalada Muqdisho.

3-da qof ee qaraxa ku dhimatay ayaa 2 ka mid ah waxay ahaayeen caruurta ka shaqeysa kaba caseyska oo goobta uu qaraxa ka dhacay ku sugnaa.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka qaraxa ku waxyeeloobay ay dhamaantood ahaayeen dad shacab ah.

Sidoo kale waxaa Warbaahinta la hadlay Gudoomiyaha degmada Shibis Axmed Muumin Maxamed Waxa uuna shacabka degmada Shibis ugu baaqay iney si dhaw ula shaqeeyaan laamaha amniga ee degmada si loogu hortago qaraxyo ka dhacay degmadaasi.

Gudooomiyaha ayaa sidoo kale ganacsatada degmada Shibis ugu baaqay in aysan ogolaan in gaari aysan aqoon u lahayn cida iska leh la soo dhigo meel u dhaw goobahooda ganacsi.

Waxa uu shacabka ugu baaqay in hadii ay arkaan gaari meel iska yaallo si deg deg ah ku soo wargeliyaan laamaha amniga degmada.

1- 2- 3- 4-