Daawo: Gabdhaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Ku Nool Dalka Mareykanka Oo Deeq Lacageed Gaarsiyey Bukaanada Isbitaalka Baydhabo

0

Waxaa Isbitaalka Degmada Baydhabo  Ee Xarunta Gobolka Bay la gaarsiyey  Deeq Lacageed oo dhan $1400 isla markaana ay soo dhiibeen Gabadhaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Ku nool Wadanka Mareykanka.

Deeqdan Lacagta ah ayaa waxa Loo qiibiyey Bukaanada Ku jirta Isbitaalka Baydhabo, kuwaasoo u badan dadkii ku soo waxyeelabey Qaraxyadii Baydhabo ka dhaceen 28, febuary.

Agaasimaha Isbitaalka Degmada Baydhabo C/fataax Ibrahim ayaa u mahadceliyey Gabadhaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Nool dalka Mareykanka isla markaana ay u damqadeen walaalahood ku dhibaateysan Gudaha Isbitaalka Baydhabo, waxa kale uu ugu baaqey  Jaaliyaha Kale Ee Koonfur Galbeed Soomaliya  ee 5ta Qaaradood Ee Aduunka inay dadkooda dhibaateysan soo caawiyaan.