DHAGEYSO: Iska hor imaad ciidamo kawada tirsan dowladda oo ku dhexmaray Xawaadley,,

0

Iska hor imaadkan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Xawaadley oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waxaana iska hor imaadkan uu udhaxeeyay askar kawada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Dad goob joogayaal ah oo aan la hadalnay ayaa waxa ay inoo sheegeen in iska hor imaadkan uu ka dambeeyay kadib markii askarta dowladda halkaasi ku sugan uu khilaaf soo kala dhex galay.

Inta la ogyahay waxaa ku dhaawacmay ilaa iyo 3 askari oo ka mid ah dhinacyadii dagaalamay.

Askarta dhaawaca ah ayaa waxaa la dhigay isbitaalka ku yaalla magaalada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Balcad ayaa gaaray deegaanka Xawaadley isla maanta sida la sheegayo kuwaas oo halkaasi utagay dhex dhexaadinta ciidamada dagaalamay.