Kooxaha Nabad Diidka Al-Shabaab oo nin dhaqtar ah ku gowracday gobolka Bakool

0

Magaalada Buurdhuxunle oo ka tirsan gobolka Bakool isla markaana 30 km u jirta degmada Waajid ee gobolkaas ayaa habeenimadii Arbacada aheyd ee la soo dhaafay waxaa nin lagu magacaabi jirey Mad Xasan Duban, oo da’diisa lagu qiyaasay 70 meeyada, ahaana dhakhtarkii magaaladaasi ay gowraceen maleeshiyaad ka tirsan Al-shabab sida ay sheegeen dad goobjoogiyaal ah.

Mid kamid ah dadka magaaladaasi degaanka ayaa xaqiijiyay in xilli waqti dambe oo habeen ah ay gurigiisa u soo dhaceen maleeshiyaad hubeysan isla markaana subaxdii meydkiisa laga heley meel banaanka ka ah magaalada.

Guddoomiyaha Buurdhuxunle, Aadan Huudow Axmed, ayaa dhankiisa xaqiijiyay dilkan foosha xun oo ninkaas dhakhtarka ahaa loo geystay isla markaana howlgalo amniga deegaanka lagu adkeynaayo ay sameeyeen tiro dad ahna loo hayo falkaas inkastoo dadka la qabtay intooda badan la soo daayay.

Allaha u naxariistee Mad Xasan Duban, ayaa ahaa nin dadka deegaankaas si weyn u yaqaanaan isla markaana muddo aad u dheer xarun caafimaad ku lahaa magaalada Buurdhuxunle oo uu ugu dambeyntii tii alle ugu timid sababsadeyna gacan ka xaqdaran