Dhageyso:- Wareysi+ Sawiro Golaha Badbaadada KG Soomaaliya oo Maanta kulamo Layeeshey Wasaarada Amniga iyo Xafiiska Madaxbanaan ee Xaquuqda Aadanaha ee Puntland,,

1

Shirka  waxaa looga hadley sidii loo badbaadin lahaa shacabka kasoo jeeda Deegaanada Maamul Gobaleedka Koonfur galbeed waxaana dhinaca Maamul Gobaleedka Putland loo soo xilsaarey Wasaarada Amniga ee Putland iyo Xafiiska Madaxa Banaan ee  kashaqeeya Xaquuqda aadanaha  , kuwaasoo matalayey Masuuliyiinta sare oo ay kamid Yaasiin Ali Yuusuf  oo ah Agaasimaha Amniga ee Putland iyo Maxamed Yuusuf Cali oo ah Gudoomiyaha Xafiiska Xaquuda Aadanaha .

Waxaa kaloo goob joog ahaa Odayaal ka masuul ahaa dadka Degan Magaalada Garoowe ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed waxayna ka hadleen dhibaatada iyo Tacadiyada kajira deegaanada ay kamidka yihiin (Gaalkacyo, Burtinle , Bacaad weyn , Goldogab, Qardho iyo Laacdheere .
Odayaasha waxay Masuuliyiinta hortooda ka cadeeyeen in Xabsiyada Puntland ay kujiraan 91 qofood oo ganacsato ah oo aan wax denbi aan gelin , iyadoo isla goobtaasi ay ka hadleen Masuuliyiinta Golaha Badbaadada Koonfur Galbeed oo ay kamid yihiin Idriss Cabdi Dhaqtar , Caasha Abuukar Qaasin iyo Cali Maxamed Yuusuf (Cali Shukur) , waxayna u sheegeen in Maamulka Koonfur Galbeed ay xilal muhiim ah ay siiyeen dadka kasoo jeeda Maamulka Putland sida Wasiiro iyo Xildhibaano taasoo iyagana aan ka  la’nahay in Deegaankooda lagula noolaado .
Waxaa kaloo loogu hadley Caruurta Xabsiyada kujirta oo gaareyso 50 Caruur oo da’dooda ay ka yartahay 18 sano , sidii ay u heli lahaayeen Xuriyada ama xanaaneyn gooni ah ama la geeyo meel iyaga u gooni ah , dhamaan Qodabada laga hadley ayaa laķsku afgartey oo ay si wanaagsan ay ku dhamaadeen . Shirka ay lahaayeen Golaha Wasiirada ee Puntland ayaa isla Maanta looga Hadley qodabada aan kor ku soo sheegney .
Golaha Badbaadada Koonfur Galbeed ayaa waxaa maalinta berita ah oo tagi doonaa Deegaanada dhibka ka jira oo ay Qaarkood xiran Ganacsigii ay ku lahaayeen Bulshada ku abtirsata Koonfur galbeed , Maalmaha xigana waxay qorsheysanayaan in ay ugudbaan Deegaanada Maamulka Soomaliland.
Mahadsanid
Idriss

1 COMMENT

  1. ASC,
    Idirs,Asho and Ali, waad ku mahadsantihiin shaqada aad u qabteen dadka dhibaateysan ee ka soo jeeda KGS iyo dhammaan ummada KGS. Waxaan Alla idinka baryayaa inuu wax wanaagsan idinku abaal mariyo.

    Mahadsantiin
    Abdulkadir Dalib

Comments are closed.