Dhageyso:-Kulan Lagu canbareynayay hay,adda la socodka hubka soomaliya iyo eleteriya ayaa ka dhacay baydhabo

0

Kulankani maanta ka dhacay magaalada baydhabo ee gobalk bay,waxaa isugu yimid qeybaha kala duwan bukshada ku dhaqan xaafada magaalada,aradda jaamacadaha baydhabo wax ku barta,waxaana ay ku canbaareynayeen hay,adda la socodka cunaqabateynta hubka soomaaliya iyo eleteriya.
Kulanka ayaa ka dhacay howl weyn oo kyaala xaafada wadajir ee magaalada baydhabo,haweenka kulanka fadhiyey ee 8-xaafadood ee baydhabo ka yimid ayaa waxay xirnaayeen dharka hidaha iyo dhaqanka soomaaliyed,waxaana mararka qaar ay ku qaylinayaan Monitoring group tilaabo halaga qaado.
Dhamaan dadkii kasoo qeyb galey oo isugu jirey aqooyahano,dhalinyarada wax ka barata jaamacadaha baydhabo iyo haweenka qaar ka mid ah ayaa si isku mid ah u sheegay in hay,adan ay kasoo horjeedo danaha dalka iyo madaxda soomaalida.
Waxaa ay sheegeen in ganacsatada iyo madaxda dowlada lagu eedayo wax aan jirin taasna ay sheegeen in horumarka dalka soomaaliya dhibaato ay ku tahay,waxana ay ugu baaqey bulshada madaxweynaha dowlada soomaaliya xasan sheikh maxamuud inuu wax ka qabto shaqadan hay,adan ay ka wado gudaha wadanka soomaaliya.
Bulshada kulanka kasoo qeyb galey ayaa muujiyey iney wax sah ah aheyn warbixinada mararka qaar hay,ada la socodka soomaaliya ay ka sheegta madaxda dalka iyo ganacsatada soomaaliyeed,iyagoona ka digey in shaqada hay,adan sidan ay kusii wado oo ay ku baaqeyn in shaqada dalka soomaaliya ka hayso laga joojiyo.