Dhageyso:-Barnaamijka Ku Dhowaad 30 Haween ah Ayaa La Sheegay Tan iyo Billowgii Sanadkan Ay Xilliga Foosha Dhiig Bax ugu Dhinteen Degmada Diinsoor,,

0

Ku dhowaad 30 haween ah ayaa la sheegay tan iyo billowgii sanadkan may xilliga foosha dhiig-bax ugu dhinteen degmada Diinsoor ee gobolka Baay. Haweenka uurka leh ee ku nool degmadan 00 go’doonsan muddo 9 bil ah ma helaan adeegyada caafimaad iyo dawooyinka ay u baahan yihimn. Isbitaalka degmada wuxuu xirmay sanadkii 2014 markaas 00 ay go’day taageero ay siin jirtay hay’adda dhaqaatiirta aan xudduudda lahayd ee MSF 00 Soomaaliya ka baxday bishii August ee 2013. Hase yeeshee waddooyinka 00 furnaa ayaa u sahlayay haweenka dhalaya inay daryeel caafimaad u raadsadaan magaalooyin kale oo ay ugu dhowdahay Baydhabo 00 U jirla 120 km. Waddooyinka waxay ku xirmeen dagaalka Al-Shabaab iyo ciidanka dowladd gobaleedka koonfur galbeed soomaaliya iyo tan dhaxeba. Umuliso-dhaqameedyo aan lahayn aqoon sare oo caafimaad ayaa ah tan keliya ee ay haystaan haweenka foolanaya ee ku sugan degmada Diinsoor. Laakiin maaddaama aysan haysan qalab ku habboon dhalmada ma awoodaan inay ka jawaabaan xaaladaha deg deg ah ee mararka qaar la soo dersa haweenka uurka leh. Sii-hayaha xilka agaasimaha wasaaradda caafimaadka ee maamulka Koonfur-galbeed, lsxaaq Maxamuud Mursal ayaa in koox ay horraantii sanadkan ay u direen Diinsoor si ay xaaladda u soo qiimeeyaan ay soo ogaadeen in baahi weyn oo dhanka caafimaadka ah ay ka jirto halkaas. Wuxuu codsaday in dib loo howlgeliyo isbitaalkii degmada diinsoor si loo yareeyo halisaha jira. Sidii kale Salma Xaaji lsxaaq oo ah guddoomiye ku-xigeenka ururka haweenka Diinsoor ayaa walaac ka muujisay inay siisoconkarto dhimashada haweenka haddii aan la helin dhaqaatiir iyo xarumo caafimaad 00 wax ka qaban kara xaaladaha degdegga ah. Waxay ay tahay ‘haddii ay waddooyinka furmi lahaayeen haweenka ay halista la soo gudboonaato waxaa loo qaadi lahaa magaalooymnka kale ee isbitaallada leh.” dhamaan deeganada ku hareereysan degmada diinsoor ayaa sidaa uwada go odoonsan warbixiintaan oo ka soo diyaarisay warbaahinta koonfur galbeed soomaaliya ama radio warsan waxaan idinka tagaynaa barnaamijkaan iyo mid la mid ah hadaba ila dhagaystaa heestii madadalada hormarka dalka,

Haween xanuunsan(1)