Dhageyso:-Taliska Ciidanka Booliska Dagmada Rabdhuure oo Dal baday in Laga saacido Qalabka Ay ku Howlgali Lahaayeen Booliska Dagmaas.

0

Taliyaha ciidamada booliska degmada rabdhuure ee gobolka bakool xasan maxamed c/raxmaan oo lahadlay warbaahinta waxa uu sheegay in ciidamada booliska degmadaasi ay aad uga liitaan agabka  ay ku howlgalaan ciidamada booliska degmada rabdhuure waxa uu taliyaha ciidamada booliska dowlada soomaaliya ugu baaqay in wax laga badalo islamarkaana ciidamada laga saacido waxyaabaha ay u baahan yihiin Taliyaha ciidamada booliska degmada rabdhuure ee gobolka bakool waxa uu tilmaamay in ay aad u bur bursan yihiin saldhigyada ciidan ee booliska ee ku yaala rabdhuure.

Taliyaha ciidamada booliska degmada rabdhuure ee gobolka bakool xasan maxamed c/raxmaan waxa uu dowlad gobaleed ka koonfur galbeed soomaliya iyo tan  fadaralka soomaaliya ugu baaqay in ay dayactir iyo qalabeen ay u baahan yihiin ciidamada booliska iyo xarumaha ciidan ee ku yaala degmada rabdhuure ee gobolka bakool.