DHAGEYSO:Shariif Xasan”waxaan Gaas kala hadlay dhibaatooyinka dadka kasoo jeeda koofurta lagu hayo ”

0

Madexweynaha Maamulka Koofur galbeed Shariif Sheekh Aadan ayaa sheegay in uu kala hadlay Madexweynaha Maamulka puntland dhibaatooyinka loo geysto dadka kasoo jeeda koofurta Soomaaliya ee ku sugan deegaanada puntland.

Madexweynaha  maamulka koofur galbeed ayaa sheegay in uu kala hadlay arimahaas madexweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, dhibaatooyinka loo geysto Ganacsada kunool Magaalooyinka puntland ee kasoo jeeda koofurta Soomaaliya,islamarkaana waxaa uu sheegay in uu balan qaaday in uu wax qaban doono dhibaatooyinkaas.

Shariif Xasan ayaa sheegay in laga doonaya dadka kasoo jeeda koofurta Soomaaliya in aysan Shabaab kusoo dhex dhuuman islamarkaan ay ku wargalinayaan ha’yadaha ammaanka puntland.

Dhawaan ayay aheyd markii boob iyo dhac loo geystay Ganacsada kasoo jeeda koo furta Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Qardho ee gobalka Bari.