Dhageyso:-DAAWO:- Sida uu u dhacay Howlgalkii Xalay iyo Saaka laga sameeyay Muqdisho

0

Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ayaa xalay waxa ay howlgalo dad badan lagu qab qabtay ka sameeyeen Xaafadaha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, iyadoo howlgalkaan uu qayb ka yahay howlgalada dar darta ku socda ee ciidamada ay ka wadaan Magaalada Muqdisho.

Ciidamo isugu jira kuwa Nabad Suggida, Booliska iyo Millaterig oo ay wehliyaan Ciidamada Amisom ayaa galay Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid oo howlgalkaan ballaaran ciidamada ay ka sameeyeen, kadibna ciidanka ayaa soo aruuriyay dhalinyaro badan.

Howlgalka wuxuu biloowday xalay 8:00 Fiidnimo sida uu sheegay Afhayeenka Wasaarada Amniga C/kaamil Macalin Shukri oo la hadlay Warbaahinta Risaala, iyadoo dadkii la soo qabtay ciidamada ay ku sameeyeen kala saarid.

“Xalay 8:00 Fiidnimo ilaa 5:00 Aroornimo ayaa howlgalo ay sameynaayeen Hay’adda Nabad Suggida Qaranka oo ay wehliyeen Ciidanka Amisom, ayaa howlgal waxa ay ka sameeyeen Degmada Yaaqshiid, gaar ahaan Xaafada Coca Cola, halkaasi oo ciidanka ay u aadeen macluumaad ku aadan inay jiraan dad Diyaarinaayay qaraxyo, Meeshaasi waxaa laga soo qabtay dad gaaraya 400 oo ruux, dadkaasi Baaritaan ayaa la mariyay 11 qof ayaa si gooni ah loo soo watay, Baaritaankoodana waa uu socdaa.” Ayuu yiri Afhayeenka Wasaarada Amniga.

C/kaamil Macalin Shukri Afhayeenka Wasaarada Amniga Dowladda Federalka Somaliya ayaa sheegay 11 qof ee la soo watay in la gartay inay Shabaab ka tirsan yihiin, balse Hay’adda Nabad Suggida ay marsiin doonto baaritaano dheeri ah.

Howlgalada ammaanka lagu sugaayo ee ciidamada Dowladda ay sameynayaan ayuu sheegay inay yihiin kuwa si joogto ah ciidanka ay u sameeyaan, wuxuuna sheegay ciidamada inay ka hortagayaan qorshe kasta oo Shabaab ay ku doonayaan inay shacabka ku dhibaateeyaan.

Iyadoo ciidamada si joogto ah u sameynayaan howlgalada ammaanka lagu sugo ee Magaalada Muqdisho ka sameeyaan ciidamada ayaa dhanka kale waxaa sii kordhaya falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ee ka dhacaya Magaalada Muqdisho.

1 q2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17