Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay Ceel-buur,,

0

Dagaalkan u dhaxeeya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo isku dhinac ah ayaa waxa ay ururka Al-shabaab kula dagaalameen deegaanka Kula jaraf oo hoostaga degmada Ceelbuur ee gobola Galgaduud.

Dagaalkan ayaa waxa uu ka dambeeyay ka dib markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay bilaabeen howlgallo Al-shabaab ay kaga saarayaan deegaanada Galmudug.

Gudoomiyaha gobolka Galgaduud Nuur Guutaale oo la hadlay warbaahinta  ayaa ka warbixiyay dagaalka halkaasi ka dhacay.

Gudoomiya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in howlgalladan ay yihiin kuwa qorsheysan oo la doonayo in waqti kooban Al-shabaab looga saaro guud ahaan deegaanada ay Galmudug ka joogaan.

Ururka Al-shabaab ayaa ilaa iyo hada waxa aysan ka hadlin dagaalada ka dhacay deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur.