Dhageyso: Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo U Digey Maamulka Puntland

0

Malaaq Deeroow oo ka mid ah Waxgaradka ka soo jeeda goboladada Koonfur Galbeed Soomaaliyal ayaa ka hadlay dhibaato uu sheegay in Maamulka Puntland ay ku hayaan shacabka ka soo jeeda gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya eek u nool deegaanada Puntland.

Waxa uu sheegay in aysan wanaagsaneyn in la faquuqo shacabka ka soo jeeda gobolada KGS ee ku nool deegaanada Puntland.

Malaaq Deeroow ayaa tilmaamay in madaxda Puntland ay kala hadlayaan sidii dhibaatada loogu joojin lahaa shacabka ka soo jeeda gobolada Koofureed isla markaana ay si nabad galyo ah ugu noolaan lahaayeen deegaanada Puntland.

Ugu dambeyntii, Waxa uu Madaxda Maamulka Puntland ka codsaday in ay ilaaliyaan daris wanaaga iyo nabad ku wada noolaanshaha labad shacab.

Halkan Ka Dhageyso