dadka falaqeeya siyaasada soomaaliya ayaa qaba in hadii aan lasameynin mamulka gobolada hiiraan iyo shabeele ay dhicikarto in aysaanmeyn ku yeelado dorashada dalka soomaliya

0
Gobolka hiiraan ku yaala bartamaha Somaaliya Waa Gobol istiratijiya Iskuna Xira In Ka badan Shan Gobol oo ku yaala Waqooyiga konfurta Iyo Bartamaha Somaaliya Waana gobolka kaliya ee aan lakala jarin Waqtigii aay farcamayeen gobola ku yaala dalka soomaaliya .
Markii aay soo ifbaxday in maamul loo sameynayo gobolada hiiraan iyo shabeelaha dhexe ayaa waxaa soo dhaweyay shacabka degan labada gobol hiiraan iyo shabeelaha.
Shacabka ku nool gobolka hiiraan gar ahaan kuwa ku nool magaalada baladweyn ayaa bilabay udiyargarowga shirka maamul usameynta gobolada hiiraan iyo shabelaha dhexe waxaana magaalada laga hirgaliyay hoolal waweyn oo loogu talagalay in shirka lagu qabto iyo guryo loo diyariyay in aay dagaan ergada ka qeybgaleyso shirka maamul usameynta labada gobol.
Madaxweyne Xassan Sh Maxamud ayaa waregta ku magacaabay in magaalada shirka lagu qabanayo aay tahay Magaalada jowhar ee xarunta gobolka sh dhexe iyadoona Magaalada Buulabarde loo magacaabay Caasimada Maamulka labada gobol.
Odayasha Dhaqanka gobolka hiiraan ayaa ka soo horjestay in shirka maamul usameynta labada gobol lagu marti galiyo Magaalada jowhar ee xarunta gobolka sh dhexe
Madaxweynaha soomaaliya xasan sheikh iyo raiisul wasaaraha ayaa yimid magaalada baladweyn waxaana ay la kulmeen lakulmay odayaasha dhaqanka gobolka hiiraan.
odayaasha ayaa madaxweynha hor dhigay sadax qodob Afhayeenka shirka  dib u heshisiinta beellaha dega gobolka Hiiraan  Ugaas Cali Ugaas Muxumed Ugaas Shafeec ayaa sheegay in madaxda dalka soomaliya ay kala hadleen arimo badan.
Kulamo ka dib shan ugaas oo ka mid ah ugasyada gobolka hiiraan ayaa madaxweyne xassan Sh Maxamud ku raacay ka qeybgalka shirka maamul usameynta hiiraan iyo sh dhexe waxana ugasyada shirka ka qeybgalaya qaar kood balan qaad usameyay madaxweynaha somaaliya
Ugaas xassan ugaas khalif ugaas rooble oo ah mid ka mida ugaasyada beelaha ugu weyn gobolka hiiran ayaa sheegay in dowlada aay codsigoda aay ugudbiyeen balse aay iska indha tirtay sidaas darteedna aaysan ka qeybgaleyn shirka maamul usameynta hiiraan iyo shabeelaha dhexe
waxaa maalmihii la soo dhaafay socday magaalada beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan wadahadalo ay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda arrimaha gudaha la yeelanaysay beelaha si ay ugaga dhaadhiciso in ay aqbalaan shirka ka furan magaalada jowhar kadibna la gudo galo wajiga labaad kaasoo ah mid oday dhaqameedyadu ay ku qeybsanayaan ergooyinka.
Balse waxaa weli sii socda diidmada gobolka Hiiraan ay diidan yihiin in ay shirka ka soo qeybgalaan,
Siyaasiyiinta iyo qaar ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda labada gobol ayaa u muuqda kuwo la saftay beelahooda oo aan eegin danta guud ahaan labada shacab ee hiiraan iyo shabeelaha dhexe, maadaama ay dadka ku nool labada gobol ay yihiin kuwa kaliya ee ka haray inay iska arkaan masraxa siyaasada dalka .
sida ay qabaan dadka u dhuun-daloola siyaasada dalka haddii ay labada gobol ku guuleysan waayaan in ay ku dhistaan maamul in ay ka hari doonaan guud ahaan sidii shacabka ku nool labada gobol ay uga qeyb galayaan geedisocodka dalka soomaaliya madaamada sanadkaan 2016 lagu wado in doorasho ay ka dhacdo dalka ,
Waxaa jira qurbo joog iyo dad kale oo degen magaalada Muqdisho caasimada dalka oo maamulka beelaha hogaanka u haya taasna ay dhibaato ku tahay shacaba dulman ee ku nool labada gobol oo haatan u muuqda kuwo dib uga dhici kara horumarka dalka ka socda.
Magalaada Baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan ayaa waxaa maalintii labaad ka socda shirka dib u heshisiinta beellaha dega gobolka Hiiraan oo maalintii shalay uu si rasmi ah uu daah furay  Ugaas Xassan Ugaas khaalif oo ay weheliyaan Ugaas Cali Ugaas Muxumed Ugaas Shafeec.iyo Ugaas Cali Ugaas Xassan.
shirka dib u heshiinta beellaha dega gobolka Hiiraan ayaa waxaa  looga hadli doonaa mudda uu socdo khilaafadka ka dhax jira beellaha dega gobolka Hiiraan maadaama 25 sano Somaliya ay ka jireen dagaalo sokeeye.
W/D; bashiir cabdulahi cismaan
beledweyne,soomaaliya