Shirka dib u heshisiinta beellaha dega Hiiraan ayaa ka furmay magaalada beledweyne Baladweyne.

0
Ugaas Xassan Ugaas khaalif  oo daah furay shirka dib u heshisiinta  dega gobolka Hiiraan ayaa waxaa goob joog ka ahaa  Ugaas Cali Ugaas Muxumed Ugaas Shafeec,Ugaas Cali ugaas Xassan Ugaas Ragge, Xildhibaan Daahir Xassan Cabdi,Xildhibaannad Samiiro Xassan Cabdulle, odayasha dhaqanka,waxgaradka gobolka Hiiraan.dhalinyaro,Haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan  magaalada beledweyne,
ugu  horeyntii  Ugaas Xassan Ugaas khaalif oo  si rasmi ah uu furay shirka dib u heshisiinta beellaha dega gobolka Hiiraan ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid  lagu nabadeynayo beellaha dega gobolka hiiraan islaamrkana loo gudbi doono nabadeynta beellaha Somaliyeed ee dega gobollada dalka   soomaaliya.
sidoo kale Ugaas Cali Ugaas Muxumed Ugaas Shafeec ayaa sheegay in shirkan uu san  aheyn mid  qaabiil gaar ah u furmay  balse  loo furay dhamaan beellaha dega gobolka Hiiraan islamarkana loo bahan yahay  in laga wada qeyb qaato shirka  isago ka dalbaday  ugaasyadii dhawan gaaray Magaalada Jowhar in ay  ka soo qeyb galan shirka dib u heshisiinta beellaha dega gobolka Hiiraan.
Xildhibaan  Daahir Xassan Cabdi  oo ka mid ah xildhibaannada Baarlamanka ee k a qeyb galay furitaanka shirka ayaa  sheegay in ka  xildhibaano ahaan ay  tageersan yihiin  shirka maanta uu Magalaada Baladweyne ka furay Ugaas Xassan Ugaas khaalif islamarkan ay garab tagan yihiin.
Xildhibannad   Samiiro Xassan Cabdulle   oo ka qeyb gashay shirka ayaa Madaxda ugu sareysa dowlada Federaalka u eedeysay  in ay iska dhaga marisay  rabitaanka bulshadka ku dhaqan gobolka Hiiraan iyado wax lagu faraxo ku tilmaamtay in maanta  Magalaada Baladweyne laga daah furo shir dib u heshisiin oo ay ka qeyb galayaan beellaha dega gobolka.
furitaanka shirkan dib u heshisiinta beellaha dega gobolka Hiiraan ee  ka furmay Magalada Baladweyne ayaa ku soo begmaya  Xili khilaaf siyaasadeed uu ka tagan yahay dhismaha  maamulka  loo sameynayo   gobolada  hiiraan  iyo shabeelaha dhexe ..
bashiir cabdulahi cismaan
beledweyne.soomaaliya